Sign in to follow this  
Deeq A.

Raysal Wasaaraha Ingiriiska Boris Johnson Oo Ka Hadlay Masiibada Dabka Ee Ka Dhacday Hargeysa.

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-London)-Mas’uuliyiin ka tirsan hoggaanka sare ee dawladda Ingiriiska oo uu ka mid yahau Ra’iisal-wasaare Boris Johnson ayaa ka hadlay masiibada dabka ee ka dhacday caadimadda Jamhuuriyadda Somaliland ee Hargeysa.

 Farriimo ay ku qoreen luuqadaha Ingiriisiga oo ay mariyeen baraha bulshada ayay ku sheegeen inay ka xun yihiin dhibaatada dhacday iyo saamaynta dhaqaale ee ay keeni karto. Waxay sheegeen inay murugada la qaybsanayaan bulshada JSL, kalana shaqayn doonaan dawladda gurmadka.

“Waxaan aad uga xumahay in aan aragno dhibaatada ka dhalatay dabka Hargeysa ka kacay ee burburka intaa le’eg gaadhsiiyey suuqa furan ee halbowlaha dhaqaalaha magaalada, kaasoo saameeyey ganacsiyo badan oo yar yar iyo qoys badan.

Magaaladaadu mar kale ayay kici doontaa, UK waxay samayn doontaa wixii aan kari karno si aan u taageerno dadaalka dib u dhiska ee Somaliland” ayuu yidhi Raysal Wasaare Boris Johnson

111111111111111-899x1024.jpg 222222222222-990x1024.jpg

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this