Sign in to follow this  
Deeq A.

19 Dal Oo Islaam Ah oo Xalay Laga Soomay+4 Dal Oo Aan la Soomin

Recommended Posts

Deeq A.   

19 Dal Oo Islaam Ah oo Xalay Laga Soomay +4 Dal  Oo Aan la Soomin

ramadaan.jpg
Dalalka Caalam Al Islaam ayaa waxa ay badankoodu maanta oo Sabti ah Soomeen maalinta koowaad ee Bisha Barakaysan ee Ramadaan. Dalalka Sucuudiga, Qadar, Kuwayd, Imaaraadka Carabta, Baxrayn, Masar, Aljeeriya, Falastiin, Suudaan, Djibouti, Tuuniisiya, Liibiya, Suuriya Soomaaliya, Ciraaq (Waqfiga Sunniga), Lubnaan, Yemen, Turkiga, Bosnia ayaa dhammaantood xalay ku dhawaaqay in Sabtida oo maanta ahi tahay maalinta koowaad ee Bisha Barakaysan ee Ramadaan.
Kaliya dalalka Saldanadda Cummaan, Urdun, Morocco, Iraan iyo Indonesia ayaa la xaqiijiyey in ay dalalka kale ee Islaamka ka hadheen oo ay iyagu xalay ku dhawaaqeen in ay dhammays tiri doonaan Bisha Shacbaan.
Xukuumadda Somaliland ayaa iyadu xalay ku dhawaaqday in la dhammays tiri doono Bisha Shacbaan taas oo macnaheedu tahay inaan la soomin Maalinta Sabtida.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this