Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Somaliland oo booqday suuqa Hargeysa ee dabku burburiyay

Recommended Posts

Deeq A.   
1-2.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta soo kormeeray suuqa weyn ee Hargeysa oo uu xalay ka kacay dab baabi’iyey ganacsigii ka jiray goobtaasi.

Madaxweynaha oo ay wehelinayaan xubno kamid ah golaha wasiirrada, taliyeyaasha kala duwan ee ciidamada, hoggaanka golaha deegaanka ee caasimadda Hargeysa, ayaa dhex lugeeyey dhismeyaashii kala duwanaa ee uu suuqa oo gebi ahaanba gubtay.

 Madaxweynaha ayaa goobta ka shaaciyey in ay xukuumaddu qaddar lacag ah oo dhan hal milyan oo Doollar u sii daysay guddida la magacaabay si loogaga hawl-galo masiibada taas oo ay ku shaqayn doonaan guddi heer qaran ahi.

 “Maanta waxaynu gelaynaa gurmadkii, guddidaa la magacaabay ee Sheekhu hoggaaminayaa waxay gelaysaa gurmad aad ah, xukuumadduna waxay usoo daynaysaa $1,000’000 (Hal milyan) oo dollar, si ay ugu howlgasho,” ayuu yiri madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa shacabka ugu baaqay in ay u gurmadaan dadkii dabku sida gaarka ah u dhibaateeyey ee hantidoodii burburtay, isaga oo dawladda Hoose iyo wasaaradaha ku shaqada leh dhulka ku amray in ay qorshe u sameeyaan suuqa Waaheen iyo goobaha kale ee ciriiriga ah.

Hoos ka daawo hadalka Muuse Biixi

PUNTLAND POST

The post Madaxweynaha Somaliland oo booqday suuqa Hargeysa ee dabku burburiyay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this