Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddiga FEIT oo bilaabay shahaada-siinta xubnaha la doortay ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddiga doorashooyinka dadban ee heer federaal (FEIT), ayaa maanta oo sabti ah bilaabay bixinta shahaadada xildhibaannimo ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Guddoomiyaha guddiga (FEIT), Muuse Geelle Faroole ayaa xubnihii ugu horeeyay guddoonsiiyay shahaadada xildhibaanimo ee labada gole ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya.

Guddiga ayaa sidoo kale xildhibaannada ka maqan magaalada Muqdisho, waxay ku wargeliyay in ay yimaaddaan sida ugu dhakhsaha badan, si loo guddoonsiiyo shahaadada xildhibaanimo.

Dhinaca kale, Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed ayaa sheegay in aysan xogta xildhibaannada la doortay ku wareejin doonin guddiga FEIT, balse ay ku wareejin doonaan xoghayaasha labada aqal.

Tallaabadaas ayaa ka danbaysay, kadib markii xubno laga soo doorto labadaas maamul uu guddiga FEIT ka reebay liiska xildhibaannada la doortay.

PUNTLAND POST

The post Guddiga FEIT oo bilaabay shahaada-siinta xubnaha la doortay ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this