Sign in to follow this  
Deeq A.

FEIT oo billowday bixinta Shahaadada iyo Xildhibaankii ugu horreeyey oo qaatay

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Onine) – Guddiga doorashooyinka dadban ee heer federaal ee FEIT ayaa maanta si rasmi ah u bilaabay bixinta shahaadada xildhibaanimo ee xubnaha cusub Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya.

Xildhibaankii ugu horreeyey oo qaatay shahaada ayaa wuxuu noqday xildhibaan Maxamed Cali Cumar (Caana-nuug) kaas oo tegay xarunta guddiga doorashada waxaana shahaadada guddoonsiiyey Yuusuf Geelle Ugaas oo ah guddiga doorashiooyinka dadban ee dalka.

Caana-nuug ayaa ku soo baxay doorashooyinkii dhowaan la qabtay, isaga oo ku guuleystay kursiga tirsigiisu yahay HOP#108 ee Golaha Shacabka Soomaaliya.

Sidoo kale gudiga ayaa ugu baaqay xildhibaanad ka maqan Muqdisho in ay si deg deg ah kusoo gaaraan caasimada, si loo siiyo shihaadada xildhibaanimo.

Xildhibaanada ugu badan ee ku sugan Muqdisho ayaa ah kuwa Gobollada Waqooyi, Beelaha Banaadiriga iyo xildhibaanada qaar ee lagu soo doortay Galmudug.

Arrintan ayaa kusoo aadeyso, ayada oo weli uu muran ka dhex-taagan yahay guddiga doorashada, kaas oo la xiriira shaacinta xildhibaanada rasmiga ah ee lasoo doortay.

Dooda ayaa sii xoogeystay markii guddoomiyaha guddiga guddiga FEIT uu liiska la shaaciyey ka reebay kuraas uu ku jiro kursiga uu kusoo baxay Fahad Yaasiin.

Lama oga sida ay wax noqon doonaan, balse khilaafkan ayaa kusoo beegmaya, xilli xasaasi ah, isla-markaana ay weli caqabad ka taagan tahay dhammeystirka doorashada dalka.

277741076_3156383714620684_4756870957899 277767885_3156383694620686_3582663770364 277771629_3156383671287355_8972836986863

The post FEIT oo billowday bixinta Shahaadada iyo Xildhibaankii ugu horreeyey oo qaatay appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this