Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Turkiga oo taageertay Hawlgalka ATMIS ee Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   
Mevlut-Cavusoglu.jpg?resize=650%2C344&ss

Dowladda Turkiga ayaa taageertay Qaraarkii Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay ku ansixiyay Hawlgalka cusub ee Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS).

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga Mevlüt Çavuşoğlu ayaa bayaan uu soo saaray ku soo dhoweeyay Hawgalka cusub ee ATMIS oo beddelaya AMISOM.

Qaraarka lagu ansixiyay Waajibaadka cusub ayaa dhigaya in Ciidamo Afrikaan ah oo tiradoodu tahay 19,626 askari la keeno Soomaaliya.

Hawlgalkaas ATMIS ayaa u xil-saaran in uu diyaariyo Ciidamada kala duwan ee Soomaaliya si ay ula wareegaan mas’uuliyadda Amniga Qaranka.

PUNTLAND POST

The post Dowladda Turkiga oo taageertay Hawlgalka ATMIS ee Soomaaliya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this