Deeq A. Posted April 1, 2022 Dab xoogan ayaa caawa ka kacay suuqa wayn ee magaalada Hargeysa caasimadda Somaliland, kaas oo geystay khasaare hantiyadeed oo aad u baahsan, waxaana uu yahay mid aad ugu faafaya suqa qeybihiisa kala duwan. Ciidamada dabdamiska ayaa ku howlan sidii ay u joojin lahaayeen dabka, waxaana sawirada laga soo qaaday ay muujinayaan dabka mid baaxad leh yahay , bulshada magaalada ayaa dhankooda ka wada gurmada lagu hakinayo Waxaan ilaa iyo hadda la ogeyn khasaaraha dhabta ee uu dabku gaystay maadama uu wali aad u socdo, waxaana ciidanku ay wadaan gurmad ballaaran, waxaana la ogeyn sasbta ka dambaysay dabka inuu ka kaco suuqa weyn. Goobjoog News Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites