Sign in to follow this  
Deeq A.

Koonfur Galbeed oo ka carootay xubnihii laga reebay liiska BF, kuna dhawaaqday go’aan cusub

Recommended Posts

Deeq A.   

Baydhaba (Caasimada Online) – War-saxaafadeed ay baahisay madaxtooyada maamulka Koonfur Galbeed ayaa lagu sheegay inay aad uga xun yihiin habdhaqanka guddiga doorashooyinka heer federal iyo waxa ay ugu yeereen ‘musuqa baahsan ee ka dhex socda guddiga iyo kala qeybsanaanta ku timid.’

Qoraalkaan oo si gaar ah loogu eedeeyey guddoomiyaha guddiga doorashooyinka federaalka Muuse Geelle waxaa lagu sheegay inuu bartilmaameedsanayo xubno laga soo doortay deegaan gaar ah.

“Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed wuxuu u arkaa tallaabada uu qaaday Mudane Muuse Geelle Yuusuf ee uu ku bartilmaameedsaday kuraas deegaanno gaar ah laga soo doortay inay tahay mid sharci darro ah oo khilaafsan heshiisyadii iyo habraacyadii doorashooyinka,” ayaa lagu yiri qoraalka Koonfur Galbeed.

Sidoo kale maamulkaas wuxuu sheegay in guddiga heer federal uu lumiyey kalsoonidii doorashada, isla markaana ay Koonfur Galbeed faylasha xildhibaanada ku wareejineyso xoghayeyaasha labada Aqal ee barlamaanka.

“Maadaama Guddiga uu lumiyay waajibaadkii loo igmaday iyo madaxbannaanidii laga sugayay, hoggaanka SEIT oo kaashanaya xubnaha Guddiga Hirgelinta Heer Federaal ee ka hawl galayay Koonfur Galbeed waxay si toos ah ugu wareejinayaan faylasha xildhibaannada Xoghayeyaasha Labada Aqal ee Barlamaanka JFS,” ayaa lagu yiri qoraalka Koonfur Galbeed.

Ugu dambeyntii qoraalkaan caawa ka soo baxay Koonfur Galbeed waxaa lagu yiri, “Koonfur Galbeed waxay xoojinaysaa in la dadajiyo dhaarinta iyo guda galka doorashooyinka, waxayna ka digeysaa tallaabooyinka lagu dheereysanayo muddo xileedka kaasoo ay ka shaqeynayaan qaar kamid ah xafiisyadii loo igmaday inay hawshan si hufan usoo gabagabeeyaan.”

Qoraalkaan wuxuu ku soo aadayaa iyadoo xalay guddiga doorashooyinka heer federal ay soo saareen liiska xildhibaanada dooran, kaas oo laga reebay afar xubnood oo seddax kamid ah Koonfur Galbeed laga soo doortay, halka kursiga kale uu yahay kan Fahad Yaasin uu Beledweyne ka soo qaatay.

The post Koonfur Galbeed oo ka carootay xubnihii laga reebay liiska BF, kuna dhawaaqday go’aan cusub appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this