Sign in to follow this  
Deeq A.

Xagee laga arkay dhalashada bisha Ramadaan?

Recommended Posts

Deeq A.   

Xagee laga arkay dhalashada bisha Ramadaan?

Bisha

Qaar ka mid ah culimada Muslimiinta ayaa xaqiijiyay in berito ay tahay maalinta koowaad ee Soonka kaddib markii meelo kala duwan laga arkay dhalashada bisha.

Maxkamadda ugu sarraysa ee waddanka Sacuudiga iyo goleyaasha Muslimiinta ee qaar ka mid ah waddamada Bariga Dhexe ayaa ku dhawaaqay in barito oo Sabti ah, taariikhduna ku beegan tahay 2-da bisha April, ay tahay maalinta koowaad ee bisha barakeysan.

Sidoo kale, qoraal lagu shaaciyay bogga baraha bulshada ee labada xaram ee barakeysan ayaa lagu yidhi: “Bisha Ramadan waxaa maanta laga arkay meelo kala duwan oo ka mid ah Sacuudiga, sidaas awgeed bisha Shacbaan waxay ku dhammaatay 29, barito oo Sabti ah, 2-da April, waa maalinta koowaad ee bisha Radaman”.

Muslimiin badan oo caalamka ku nool ayaa maalmihii lasoo dhaafay isku diyaarinayay 30 bari oo soon ah, iyagoo diyaarsaday qalabka iyo cuntooyinka ay u baahan yihiin inta lagu jiro bishaas.

Inta badan waxay dadku sameystaan raashin uu soonka caan ku yahay sida saambuuska iyo waxyaabo la mid ah.

sambuuska

Isla caawa Xaramka waxaa ka billowday tukashada salaadda taraawiixda oo la oogo 30-ka bari ee ramadaanka.

“Barito Waa soon”

Dhinaca Soomaaliya ayaa meelo ka mid ah laga arkay Soomaaliya.

Sheekh Maxamed Cabdi Umal, oo ka mid ah culimada ugu caansan Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in barito oo Sabti ah ay tahay Soon.

Deegaannada Soomaalida qaar oo laga soomayo barito

Qaar ka mid ah deegaannada Soomaalida, oo ay ku jiraan magaalooyinka dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya, ayaa looga dhawaaqay in barito oo Sabti ah la soomayo bisha barakaysan.

Golaha Sare ee Arrimaha Islaamka ee dalka Itoobiya ayaa sheegay in Itoobiya laga soomayo caawa, sida uu kusoo warramay wariyaha BBC-da ee halkaas ku sugan, Ismaaciil Buurgaabo.

Hase ahaatee, ilaa haddana, meelo kale oo Soomaaliya ka mid ah ayaa shacabka lagu wargeliyay in bari aysan ahayd Soon, bsihiina aan la arkin.

Soonka ayaa ah mid ka mid ah shanta tiir ee Diinta Islaamka, isagoo la mid ah qiritaanka kelinimada Alle iyo nabigiisa Muxammad NNKH, shanta salaadood ee maalin kasta waajibka ah, Sakada iyo gudasha xajka ee kacbada.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this