Deeq A. Posted April 1, 2022 Nin ayaa waxaa uu xaaskiisa oo xaamilo ah uu ku dilay gudaha magaalada Hargeyso ee xarunta Somaliland, waxaana warar dheeraad ah ay kasoo baxayaan sida dilka uu u dhacay iyo sababta ka dambaysay inuu dilo. Allah unaxariistee marxuumadda la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Hodan Muxumed Cabdi, waxaana ay deganaayeen xaafadda Calamada ee degmada Maxamuud Heybe, waxaana dilka uu adeegsaday Toorey uu watay. Dhacdadaan ayaa dadka xaafadda waxaa ay ku abuurtay argagax, marxuumadda la dilay ayaa waxaa ay aheyd hooyo haysaay 5 caruur ah, kuwaas ay dhashay Hodan, waxaana ay laheyd Uur Tobo bilood ah sida la xaqiijiyey. Goobjoog News Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites