Deeq A. Posted April 1, 2022 Dab xoogan ayaa caawa ka kacay suuqa weyn ee magaalada Hargeysa, kaas oo geystay khasaare hantiyeed oo ballaaran. Dabka ayaa marba marka ka bambeysay sii faafaya, waxaana socda gurmad xoogan oo lagu doonaya in lagu damiyo dabkaas, kaas oo ay hoggaaminayaan ciidamada dab-demiska Somaliland. Dabka ayaa markii hore ka kacay qaybta bakhaarada jumlada ee suuqa ilaa iyo hadda lama oga waxa sababay iyo in uu jiro khasaare nafeed. Marar badan ayaa suuqa weyn ee Hargeysa dab ka kacay, laakiin kani wuxuu u muuqdaa in uu yahay kii ugu weyn oo ugu khasaaraha badnaa. PUNTLAND POST The post Dab xoogan oo ka kacay Hargeysa appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites