Sign in to follow this  
Deeq A.

DEG DEG: Sacuudiga oo shaaciyay maalinta u horeysa ee bisha Ramadaan

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Boqortooyada Sacuudiga ayaa goordhoweyd xaqiijisay in maalinta berri ah ay tahay maalinta koowaad ee bisha Ramadaan, ayada oo meelo kala duwan oo Sacuudiga ah laga arkay bisha.

Kadib warka kasoo baxay Sacuudiga ayaa waxa caawa si rasmi ah taraawiixda looga bilaabaya Xaramka, bacda salaada Cishaa’i.

Dalal uu kamid yahay Sacuudiga ayaa bilaabay galabtii raadinta dhalashada bisha Ramadaan ee sanadkan 1443 Hijriyadda, iyada oo xiligaas ay dalbadeen in la baadi goobo bisha.

Sacuudiga ayaa hore ugu diiwaan-geliyay jadwalka Ummul-Qura in bisha Shacbaan ay dhalatay Khamiistii 3/4/2022-ka Miilaadiga, ayna maanta tahay 29-ka Shacbaan, midaasi oo waajib ka dhigeysay in la baaro bisha Ramadaan, oo goordhoweyd si rasmi ah loo xaqiijiyay.

Dhamaan bahda Caasimada Online waxay curashada bisha barakeysan ee Ramadaan ugu hambalyeynaysa dhamaan umadda Muslimka ah, gaar ahaan bulshada Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogan.

The post DEG DEG: Sacuudiga oo shaaciyay maalinta u horeysa ee bisha Ramadaan appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this