Sign in to follow this  
Deeq A.

Xogheyahii Guddiga Guud ee Doorashada oo Loo ceyriyey Qas iyo Iska horkeenid

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiyaha Guddiga doorashada ee dadban Miuuse Yuusuf oo ceyriyey xogheyaha guud ee FEIT kadib markii uu ku kacay qaska doorashada iyo iska horkeenista guddiga.

Cabdixakiim Aadan oo ah shakhsiga laga saaray guddiga ayaa ka horyimid ilaa 4 kursi oo ka mid 303 kursi ee doorashadoodu dhacday labada gole ay reebeen guddiga doorashada sababo la xiriira hanaankooda doorashada oo baalmarsanaa habraaca doorashada dadban ee 2022-ka.

Kuraastaas la reebay waxaa mid ku fadhiya Fahad Yaasiin, kursiga waa Hirshabelle, saddexda kale oo Koonfur galbeed ah waa Cabdiqaadir Maxamed Nuur wasiirka gashaandhiggq, kursiga Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo mid kale ee Sareedo Maximed.

Guddiga doorashada ayaa waxaa muuqata inuu ku dhex jiro Fahad Yaasiin, oo rafasho ugu jira inuu ilaashado kursigiisa.

IMG-20220401-WA0044.jpg

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this