Deeq A. Posted April 1, 2022 Fariinta Sheekh Dirir ee Bisha Ramadaan Bilowga bisha Ramadaan waxa inala gudboon in aynu ku qaabilno, Cafis gudaheena ah, cunno iyo cabis masaakinta aynu gaadhsiino, Akhrinta qur’aanka oo joogto ah jadwalna u sameysanno, Soon, Sadaqo iyo salaad badan sameyntooda iyo dhex jooga Masaajidada la jooga dadka wanaagsan adiga oo cibaado iyo camal habeen iyo maalinba ku camiraya. Waa fursad dahabi ah iyo furihi jannada oo cimrigaagu kugu simay ee ciyaar iyo camal la’aan yaanay kugu dhaafin 30ka cisho qof yahow muslimka ahi.” Sheekh Maxamed Sheekh Cumar Dirir. Qaran News Share this post Link to post Share on other sites