Sign in to follow this  
Deeq A.

DF oo war kasoo saartay go’aanka Golaha Ammaanka ee QM.

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay go’aanka kasoo baxday Golaha Ammaanka kaasoo ku saabsanaa howlgalka cusub ee  ATMIS ee lagu badalay AMISOM.

War kasoo baxday Dowladda ayaa lagu sheegay inay soo dhaweeneyso go’aanka kasoo baxay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay

“ Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya waxay soo dhoweyneysaa in Qaraarka Golaha Ammaanka ee tirsigiisu yahay 2628 (2022) ee ku saabsan waajibaadka cusub ee howlgalka Midowga Afrika (ATMIS) uu si wadajir ah u meel mariyay” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Dowladda.

Halkaan hoose ka akhriso qoraalkaa oo dhameystiran

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya waxay soo dhoweyneysaa in Qaraarka Golaha Ammaanka ee tirsigiisu yahay 2628 (2022) ee ku saabsan waajibaadka cusub ee howlgalka Midowga Afrika (ATMIS) uu si wadajir ah u meel mariyay.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an in ay si buuxda u xaqiijiso wareejinta mas’uuliyadda amniga ee ATMIS-ka oo lagu wareejinayo Ciidamada Ammaanka Soomaaliya.

Waajibka cusub ee ATMIS waxa uu ka tarjumi doonaa khatarta sii kordheysa ee Al-Shabaab iyo in la abuuro ciidamo badan oo guurguura si ay u taageeraan Ciidamada Ammaanka Soomaaliya howlgallada.

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya waxay ku ammaanaysaa xubnaha golaha taageeradooda intii ay socdeen doodaha farsamada, waxayna rajaynaysaa inay si dhow uga wada-shaqeeyaan xaqiijinta hirgelinta wax-ku-oolka ah ee ATMIS-ka si loo gaarsiiyo Qorshaha Kala-guurka ee Soomaaliya.

The post DF oo war kasoo saartay go’aanka Golaha Ammaanka ee QM. appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this