Sign in to follow this  
Deeq A.

DEG DEG: Muuse Geelle oo xil ka qaadis ku sameeyey Xoghayaha guddiga FEIT

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka ee Heer Federal Muuse Geelle Yuusuf ayaa xil ka qaadis ku sameeyay Xoghayaha FEIT Cabdiraxiin Cabdicasiis Aadan .

Qoraalka Guddoomiyaha FEIT ayaa lagu sheegay in xoghayahu uu isku dayay in uu “carqaladeeyo Doorashada, soo saarita warqado aan sax ahayn, iska hor keenista Guddiga Dhexdiisa iyo hannaanka Geedi socodka”.

Cabdiraxiin Xiirane ayaa xilka xoghayaha guud ee guddiga FEIT loo magacaabay 14 Bishii February ee sanadkaan 2022.

Xoghayaha FEIT Cabdiraxiin Cabdicasiis Aadan ayaa ka hor yimid go’aanka uu guddoomiyaha guddiga Muuse ku joojiyay 4 kursi oo kala ah HOP#086,#HOP#154, HOP#103 & HOP#204.

Gudoomiye Muuse Geelle ayaa shalay shaaciyay liiska xildhibaanada ay shahaadada aqoonsi siinayaan, waxaana laga reebay Fahad Yaasiin oo kurisgiisa Hirshabelle yahay iyo 3 kursi oo deegaan doorashadooda ay tahay Koofur Galbeed.

Halkaan hoose ka akhriso warqadda xil ka qaadista

277740279_5018284914927541_5435611935585

The post DEG DEG: Muuse Geelle oo xil ka qaadis ku sameeyey Xoghayaha guddiga FEIT appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this