Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddiga doorashada oo shaaciyey liiska xildhibaannada baarlamanka 11-aad – Fahad Yasiin oo laga reebay

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga hirgelinta doorashooyinka dadban ee FEIT ayaa caawa ku dhawaaqay liiska xildhibaannada cusub ee baarlamanka 11-aad ee golaha shacabka Jamhuuriyadda federalka Soomaaliya, kuwaas lagu soo kala doortay maamullada dalka ka jira iyo gobolka Banaadir, 

Dhammaan Liisaska Xildhibaannada laga soo doortay dowlad Goboleedyada ayaa la soo bandhigay, iyadoo laga reebay xubn uu ugu muhiimsan yahay La-taliyaha Farmajo, ninka lagu magacaabo Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.

Waxaa kaloo liiska Koonfur Galbeed laga reebay saddex xildhibaan oo kuraastooda khilaaf ka dhashay, lana joojiyey, sida Kursiga uu dacwadda ka keenay Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, Kursiga uu dacwadda ka gudbiyey Wasiir Jaamac iyo Kursiga ay kusoo baxday Sareedo Maxamed Cabdalla.

Xubnaha laga reebay liiska la shaaciyey ayaa kala ah:

1- Fahad Yasiin Xaaji Daahir – HirShabelle – Rer Aw xasan
2- Maxamed Cali Xasan – Koonfur Galbeed – Eelay
3- Sareedo Maxamed Cabdalla – Koonfur Galbeed – Hadamo
4- Isaaq Cali Subag – Koonfur Galbeed – Jiroon

Guddiga ayaa ugu baaqay xildhibaanada cusub inay soo doontaan ilaa labada bisha kaararka aqaansiga, waxaana lagu wadaa in la dhaariyo 14 bisha April ee 2022-ka.
276065668_279704937673528_32963407339022 277738809_279705274340161_87514371831250 277666156_279704977673524_61520925383022 277760422_279705007673521_61532911007122 277791506_279704857673536_16286569427087 277766552_279704907673531_25091504736281 277778333_279704834340205_42528756534631 277782897_279705281006827_72791885701022 277471093_279704781006877_38846188782612

 

 

The post Guddiga doorashada oo shaaciyey liiska xildhibaannada baarlamanka 11-aad – Fahad Yasiin oo laga reebay appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this