Sign in to follow this  
Deeq A.

Rooble oo qaaday tallaabo uu ku xaqiijinayo jadwalka dhaarinta xildhibaanada

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta kulan kula qaatay magaalada Muqdisho guddoonka guddiga doorashooyinka heer federaal ee FEIT.

Kulanka ayaa sidoo kale waxaa qeyb ka ahaa Xoghayeyaasha guud ee Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare, waxaana looga wada-hadlay qorshaha shahaado siinta iyo dhaarinta xildhibaannada labada aqal, si waafaqsan jadwalkii guddiga FEIT horay u soo saaray.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa weli ku adkeysanaya in wax isbedel ah uusan ku imaan jadwalkii uu FEIT soo saaray ee dhaarinta xildhibaanada, kaasi oo ku taariikheysna 14-ka April ee 2022-ka.

Shalay unbey aheyd markii uu Rooble xafiiskiisa kula shiray xoghayeyaasha guud ee Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Kulankaas ayaa waxa uu Rooble warbixin uga dhageystay Cabdikariin Xaaji Cabdi Buux iyo Cali Maxamed Jaamac, taasi oo ku aadaneyd diyaar-garowga dhaarinta xildhibaanada labada aqal, xili ay doorashada xildhibaanada Golaha Shacabka ay mareyso heer gebo-gebo ah.

Waxaa lagu wadaa in dhawaan ay mudaneyaasha labada aqal soo wada gaaraan magaalada Muqdisho, si loo siiyo shahaaddooyinka rasmiga ah, loona dhaariyo, kadibna loo doorto guddoonnada labada aqal.

Jadwalka Guddiga FEIT ee dhaarinta xildhibaanada ayaa waxaa hore si adag uga horyimid maamulada Koonfur Galbeed iyo Galmudug, taasi oo uu ka dambeeyay madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday, hase yeeshe waxaa cad in uu fashilmay qorshaha lagu burinayo jadwalkaas.

277566669_323142419914911_51244016556441 276132774_323142463248240_36321423953371 Buux.jpeg?resize=696%2C696&ssl=1 277228826_323142493248237_44110048993076 277300028_323142566581563_29582216834472 277173030_323142529914900_54000416470191 Rooble-1.jpeg?resize=696%2C464&ssl=1 Cadaala.jpeg?resize=696%2C464&ssl=1 277568655_323142466581573_92113192544325

The post Rooble oo qaaday tallaabo uu ku xaqiijinayo jadwalka dhaarinta xildhibaanada appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this