Sign in to follow this  
Deeq A.

Ruushka Oo Khasab Ka Dhigey In Lacagta Rubiga Ay Gaaska kaga Iibsadaan Dalalka Shisheeye

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Moscow)-Madaxweynaha Ruushanka Vladamir Putin ayaa saxeexey digree dhigaya laga bilaabo maalinta berri ah ee 01 Abril 2022 in Ruushku ku iibinaayo Gaaska lacagtooda Rubiga ee hoos u dhacaysey muddooyinkii danbe, tan ayaa jawaab u ah cuno-qabateynta la saarey Ruushka kadib dagaalkii ay ku qadeen dalka deriska la ah ee Ukraine. Putin oo saxaafadda la hadley ayaa sheegay in heshiisyada Gaaska laga joojin doono cidii aan fulin inay lacagta Rubiga ku iibsato.

Vladamir Putin ayaa sheegay in cunno qabateynta reer galbeedku ku soo rogeen dalkiisa, ay hore uga gaashaanteen oo u diyaar-garoobeen, “dagaalka dhaqaaluhu waxa u billaamay mar hore…” ayuu yidhi Reer galbeedka ayuu sheegay hadda inay isku dayayaan inay helaan sababo kale oo ay xanibaad u soo rogaan.

Madaxweynaha Ruushanka ayaa sheegay cidda keliya ee qalalaasahan ka faa’ideysatey inay tahay Dowladda Maraykanka, taas oo ku xalisa dhibaatooyinka dalkeeda ka jira, sidoo kale wuxuu sheegay in Gaaska dareeraha ah ee maraakiibta lagu qaado haddii Maraykanku u soo daldalo Yurub, ay noqon doonto in shaqooyin badan oo Yurub ah la waayi doono taasna caqabad ku noqon doono dalal badan oo Midowga Yurub ku jira.

Gaaska Ruushka waxaa si weyn ugu xidhan dalal badan oo Yurub ah sida Jarmalka oo haddii uu jaro dhaqaalihiisu hoos u dhacayo.

In lacagta Rubiga lagu iibsado gaaska ayaa jawaab u ah dalalka reer galbeedka, waxaana ay kor u qaadeysaa baahida lacagta Rubiga.

Dagaalka saddexaad ee dunida ayaa weli u muuqda mid dhaqaale.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this