Sign in to follow this  
Deeq A.

Ukraine oo shaacisey Tirada Askartay ka dishay Ruushka

Recommended Posts

Deeq A.   

Ukraine oo shaacisey Tirada Askartay ka dishay Ruushka

Xubin ka tirsan Ciidanka Difaaca Qaran ee Ukraine oo sita hubka lidka taangiga ee NLAW, duleedka Kyiv, Ukraine
Xubin ka tirsan Ciidanka Difaaca Qaran ee Ukraine oo sita hubka lidka taangiga ee NLAW, duleedka Kyiv, Ukraine

Wasaaradda difaaca Ukraine ayaa xog ay maanta soo bandhigtay ku sheegatay inay khasaare baxad weyn leh gaarsiisayay ciidamada Ruushka ee ku soo duulay dalkeeda, waxaana ay ku shaacisay barteeda Twitter-ka inay dileen qiyaastii 17,500 oo ka tirsan askarta Ruushka.

Warbixinta militariga Ukraine ayaa sidoo kale lagu sheegay inay gubeen ugu yaraan 614 taangi, 311 madaafiicda goobta ah, 1201 gawaarida gaashaaman, 54 lidka diyaaraha ah, 131 helicopter, 7 markab iyo 75 booyadaha shidaalka qaada.

02870000-0aff-0242-f819-08da12f2dc1f_w65

Ruushku ilaa hadda ma qiran, mana dafirin jiritaanka sheegashada warbixinta Ukraine.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy ayaa sheegay in difaaca dalkiisa ee ka dhanka ah duullaanka Ruushka uu marayo ‘meel xaasaasi ah’ wuxuuna mar kale ku cadaadiyay Mareykanka caawinaad dheeri ah, saacado kadib markii ciidamada Ruushka ay ka laabteen ballanqaad ahaa inay yareynayaan qeybo ka mid ah howlgalladooda, sida ay qortay wakaaladda wararka ee AP.

Duqeymaha uu Ruushku ku hayo deegaannada ku xeeran magaalooyinka Kyiv iyo waqooyiga magaalada Chernihiv iyo weerarada sii xoogeysanaya ee meelo kale oo dalkaasi ka mid ah ayaa sii wiiqay rajadii laga qabay in horumar laga gaaro soo afjaridda colaadda dhiiga badani ku daatay ee hadda isu rogtay dagaal fool-ka-fool ah.

Wadahadallada u dhaxeeya Ukraine iyo Ruushka oo ah kuwa fogaan arag ah ayaa lagu wadaa in ay dib u bilowdaan Jimcaha, sida uu sheegay madaxa wafdiga Ukraine, David Arakhamia.

Wafdi xildhibaanno ah oo ka socda Ukraine ayaa Arbacadii booqday Washington si ay cadaadis ugu saaraan Mareykanka in uu siiyo kaalmo dheeri ah, iyagoo sheegay in dalkoodu u baahan yahay qalab militari, kaalmo dhaqaale oo dheeri ah iyo cunaqabateyn adag oo ka dhan ah Ruushka.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this