Sign in to follow this  
Deeq A.

Xukumada S/land oo digniin adag u dirtay Taliyaha Jabhada SSC

Recommended Posts

Deeq A.   

Xukumada S/land oo digniin adag u dirtay Taliyaha Jabhada SSC

qambi.jpg

Wasiirka Ciyaaraha Somaliland MD Cabdirashiid Xaaji Ducaale Qambi, ayaa digniin u diray taliyaha jabhada la baxday SSC Cabdirashiid Madoobe, oo ciidan urursi ka wada deegaanada hoosyimaada degmada Buuhoodle. 

Wasiir Qambi ayaa sheegay in taliye Madoobe, uu ku hanjabay in uu weerarayo magaalada Buuhoodle, isla markaana uu dad ku layn doono halkaa, iyo in uu Somaliland weerar ku qaadayo.

“Ninkan oo maalin walba  fitnada sii kordhiya, oo maalinba 50 inan meel soo taaga oo kala bad badala, oo sheega in uu ciidamado badan haysto iyo in uu balaayo haysto saddex arrin ayuu sheegay, Buuhoodle in uu qabsanayo oo ilbidhiqsi ay ku tahay, dadna ku dhimanayo, in uu Somaliland weerarayo iyo mida saddexaad oo ah in uu isimada deegaanka ka haysto ogolaansho” ayuu yidhi wasiir Qambi.

Wasiir ka ayaa taliye Madoobe ku eedeeyay in uu jid gooyo u dhigto dadka deegaanka, isagoo ku hanjabay in talaabo laga qaadi doono, hadii uu isku dayo in uu dhibaateeyo dadka deegaanka Buuhoodle.

“Qaadicu dariiq dhuumanaya adiga oo ah waxba kolba jid saddex qof iyo afar qof ha taagin, oo kolba dad deegaanka u dhashay oo dadka ugu caansan ah gaadhiga kasoo dag ha odhan, Somaliland hadad irbad u gaysato walhi in anay xadka kaaga hadhayn” ayuu yidhi wasiir Qambi.

Wasiirka ayaa sheegay in nabada gobolka Buuhoodle anay gali karin gorgortan “Somaliland bulshada deeganka dagta ee reer Buuhoodle waxaa waxan cidi kula gorgor tamin ah in ay nabadeeda ilaaliso”.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this