Sign in to follow this  
Deeq A.

UK oo soo saartay digniin horleh oo la xiriirta weeraro argagixiso oo ka dhici kara…

Recommended Posts

Deeq A.   

Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Ingiriiska ayaa soo saartay digniin la xiriirta weeraro argagixiso oo bisha April ee soo socota ka dhici kara dalka Kenya, ayada oo cabsida weyn ay dul hoganeysa deegaanada gobolka Waqooyiga bari iyo gobolka Lamu.

Qoraal kasoo baxay dowladda Ingiriiska ayaa waxay ku cadeysay inay jiraan haliso amni, ayada oo digniintan u dirtay muwaadiniinteeda ku nool dalka Kenya iyo kuwa rabo inay u safraan dalkaas.

Waxay si gaar ah uga digtay in loo safro gobol xeebeedka Lamu iyo deegaan walba oo xuduuda Soomaaliya u jirta 60KM, kuwaasi oo qaarkood ay ka dhaceen falal amni daro ah oo ay gaysanayso kooxda Al-Shabaab.

Digniintan ayaa kusoo aadeysa ayada oo dhawaan Laamaha amaanka ee Kenya ay sheegen inay sare u qaadayaan amaanka gobolo ay hore uga dhaceen weeraro argagixiso.

Dhacdadii u weyneyd ee dhawaanahan dhacday ayaa qabsatay Dad shacab ah oo ku safrayay gaari nooca dadweynaha oo miino dhulka lagu aasay ay ku qabsatay deegaan ku dhow Mandheera oo saaran xadka labada dal.

Si kastaba, Digniinaha isdaba jooga ah ee soo saaran safaaradaha reer galbeedka ee degan Kenya ayaa inta badan muwaadiniintooda uga digaan inay ka fogaadan goobo ay xiligaas ku tuhmayaan inay ka dhici karaan weeraro argagixiso.

The post UK oo soo saartay digniin horleh oo la xiriirta weeraro argagixiso oo ka dhici kara… appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this