Sign in to follow this  
Deeq A.

Rooble: Gacantii dishay Ikraan Tahliil ayaa xildhibaan Aamina dishay

Recommended Posts

Deeq A.   
3-15.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa xalay ka qeyb galay kulan loogu duceynayay Allaha u naxariistee xildhibaan Aamino Maxamed Cabdi iyo muwaadiniintii kale ee ku geeriyooday qaraxyadii dhawaan lagula beegsaday magaaalada Baladweyne.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa ballan qaaday in aanu ka hari doonin caddaalad u raadinta Ikraan Tahaliil iyo Allah u naxariistee xildhibaan Aamino Maxamed Cabdi oo uu sheegay in uu aamisan yahay in ay isku gacan ku baxeen, isagoo dhanka kalena sheegay in ay ka go’an tahay in doorashad lagu soo afmeero xilligii uu u qabtay guddiga FEIT.

Kulanka ducada ah ayaa waxaa kale oo ka qeyb galay Madaxweyneyaal hore, masuuliyiin kala duwan, Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka dalka, culimaa’udiin, Ehelada Marxuum Aamina iyo dadweyne aad u fara badan, kuwaasi oo.qiray sida ay ugu ololeyneysay dhanka Cadaaladda.

Halkaan ka daawo hadalkiisa

PUNTLAND POST

The post Rooble: Gacantii dishay Ikraan Tahliil ayaa xildhibaan Aamina dishay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this