Deeq A. Posted March 30, 2022 Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Mudane Cabdirisaaq Ibraahin Maxamed Ataash ayaa si rasmi ah isaga Casilay Xilkii Wasiirnimo ee uu Xukuumadda JSL ka hayay. Sida ay Ilo wareedyo rasmi ahi u xaqiijiyeen Wakaalladda wararka Somaliland ee SOLNA Wasiirkii Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Mudane Cabdirisaaq Ibraahin Maxamed Ataash ayaa is Casilaadiisa u gudbiyey Maanta Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi, Warku wuxuu intaas ku darayaa in Madaxweynaha JSL uu ka aqbalay is tiqaalada Wasiirkaas u soo gudbiyey isla markaana wuxuu uga mahadnaqay Mudadii uu Qarankiisa u soo shaqaynayay. Mudane Cabdirisaaq Ibraahin Maxamed Ataash ayaa la filayaa inuu beri oo Khamiis ah magaalada Hargeysa kaga dhawaaqo Urur Siyaasadeed cusub oo la yidhaa Waaberi. Source Share this post Link to post Share on other sites