Sign in to follow this  
Deeq A.

Rooble oo la kulmay xog-hayeyaasha Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare

Recommended Posts

Deeq A.   
1A5CF899-524C-4132-9DAF-5988BDE94095-sca

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta qaabilay xog-hayeyaasha Guud ee Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ee BFS, Cabdikariin Xaaji Cabdi Buux iyo Cali Maxamed Jaamac oo ay kala qaateen warbixin ku saabsan u diyaar garowga dhaarinta xildhibaannada Labada Aqal, si waafaqsan jadwalkii uu soo saaray Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal ee FEIT.

Doorashada Xildhibaannada Golaha Shacabka, ayaa mareysa heer gebogebo ah, waxaana lagu wadaa in dhawaan ay mudaneyaasha labada aqal soo gaaraan Muqdisho, si loo siiyo shahaaddooyinka rasmiga ah, loona dhaariyo, ka dibna loo doorto guddoonnada labada aqal.

Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal ayaa 14-ka April u asteeyay in lagu soo gebogebeeyo doorashada labada aqal iyo guddoonkooda, si loogu gudbo doorashada madaxweynaha dalka.

PUNTLAND POST

The post Rooble oo la kulmay xog-hayeyaasha Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this