Sign in to follow this  
Deeq A.

Haweeney Riyo lagu arkay inay diinta ku xad gudubtay oo si dhaba ah loo dilay

Recommended Posts

Deeq A.   

Haweeney Riyo lagu arkay inay diinta ku xad gudubtay oo si dhaba ah loo dilay

Sawir muujinaya Weerar

Taliska booliska ee ka howl gala xaafadda Dera Ismail Khan, oo ka tirsan degmada Khyber Pakhtunkhwa ee ku taalla dhinaca galbeed ee dalka Pakistan ayaa sheegay in saddex dumar ah lagu eedeeyay inay dil u geysteen macallimad da’ yar, kaddib markii ay tagtay madaraso ay wax ka dhigeysay.

Falkan ayaa dhacay subaxnimadii Talaadada, booliskuna waxay durbadiiba billaabeen baadhitaan, iyagoo xabsiga u taxaabay saddexda haweenka ah ee la tuhunsan yahay.

Sida ay sheegayaan wararkii hordhaca ahaa, kiiskan waxaa xilligaas ka hor diiwaan geliyay nin abti u ah gabadha la dilay.

Gabadha abtigeed ayaa booliska u sheegay in maamulaha madarasada ay gabadha uu abtida u yahay baraha ka ahayd uu soo wacay aroornimadii Talaadada, uuna u sheegay in gabadhiisa la weeraray, dad toori watayna ay ku gowraceen albaabka madarasada.

Mudaharaad Diimeed

Saraakiisha taliska booliska deegaanka Dera Islam Khan ayaa warfidiyeenka u sheegay in saddex dumar ah oo wadajir ahaa ay dileen gabadha 21 jirka ahayd.

‘Riyo ayaa lagu arkay iyadoo diinta ku xad gudbaysa’

Taliyaha saldhigga ayaa sheegay in “baaritaannada hordhaca ah ee lagu sameeyay dumarkaas ay muujinayaan in qof kale oo qaraabo la ah haweenkan uu riyo ku arkay gabadha oo ku xad gudbeysa diinta Islaamka, sababtaasina ay tahay tan keentay in la dilo”.

Waxa uu taliyuhu intaas ku daray: “Waxaan sidoo kale weli baaritaan ku haynaa dhacdadan oo aan ka eegeyno dhinacyo kale, waxaana isku dayeynaa inaan xaqiijinno in sababtu ay ku timid riyo iyo in ay wax kale jiraan.”

“Waxaan u tagay gabadheyda oo qoorta laga gooyay”

Markii uu booliska u warramayay ayuu yidhi: “Islamarkii uu warka isoo gaadhayba waxaan deg deg ku tagay goobta, waxaana halkaas ugu tagay gabadha aan abtiga u ahay oo uu dhiig wada qariyay oo taalla albaabka madarasada. Qoorta ayay ka go’neyd, meyd ayayna ahayd.”

Abtiga ayaa sheegay in, sida uu warku ku soo gaaray, gabadhu markii ay si caadi ah madarasada u tagtayba ay halkaas kusii sugayeen haween xiran labiska madarasada, kuwaasoo weerar u geystay iyagoo wata tooriyo iyo hub kale oo af leh, sidaasna ay ku gowraceen.

Dadka deegaanka ayaa goob joog u ahaa dhacdadan, sida uu abtiga ku warramay.

 

Dhacdo naxdin leh

Xogta booliska ayaa lagu xusay in gabadha la dilay abtigeed uu sheegay inuusan ka warqabin wax cadaawad ah oo horay uga dhaxeysay gabadhiisa iyo dumarka dilkeeda loo haysto.

Saraakiil ka tirsan booliska ayaa BBC-da u sheegay in gabadha dhimatay aabeheed iyo walaalkeed ay dibadda ku nool yihiin, sidaas awgeed uu abtigeed la hadlay booliska.

Maulana Shafiullah, oo ah maamulaha madarasada ay arrintan ka dhacday, gabadha la dilayna ay wax ka dhigaysay, ayaa BBC-da u sheegay in macallimadda da’da yar ay xaruntiisa waxbarashada ka shaqeyneysay muddo labo sano ah.

Waxa uu Maulana Shafiullah sheegay in dadka dilkeeda lagu eedeeyay ay yihiin arday iyo macallimiin ka tirsan madaraso kale.

Booliska ayaa warbixintooda ku sheegay in eedeysaneyaasha ay ku jiraan labo dumar ah oo walaalo ah iyo gabadh ay ila adeer yihiin, taasoo ah macallimad.

Muranka xijaabka ayaa socday in muddo ah

Mas’uuliyiinta booliska ayaa sheegay in sababta ka dambeysay dilkan lagu sheegay xad gudub ka dhan ah Diinta Islaamka, balse iyagu aysan ilaa hadda wax caddeymo ah u helin arrintaas, dad goob joogeyaal ahna aysan u xaqiijinin.

Maamulaha madarasada, Maulana Shafiullah, ayaa markii uu BBC-da la hadlayay beeniyay in dhacdadan ay salka ku hayso xad gudub diimeed.

Meydka gabadha ayaa loo gudbiyay qaybta baadhitaannada, halka booliskuna ay wali wadaan baadhitaan qota dheer oo la xiriira weerarkan.

Magaalada Dera Ismail Khan ayay horay uga dhaceen howlgallo lagu bartilmaameedsanayay kooxaha loogu yeero argagixisada, kuuwaasoo uu xilliyo badan ka dhashay qalalaase.

Dilalka qorsheysan ee laga gaysto magaalada ayaa sii badanayay muddooyinkan.

Hal maalin ka hor falkan, waxaa isla deegaankaas lagu dilay askari ka tirsan ciidanka booliska.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this