Sign in to follow this  
Deeq A.

Agaasimihii hore ee Puntland TV oo lagu wado in uu kamid noqdo Golaha Wasiirada Puntland

Recommended Posts

Deeq A.   
Jamaal.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1

Agaasimihii hore ee Telefishinka Puntland TV, Jamaal Carab Yuusuf ayaa loo badinayaa in uu kamid noqdo Golaha wasiirada Puntland.

1 July 2016, ayuu Madaxweyne Cabdiweli Gaas u magacaabay Agaasimaha guud ee Telefishinka dowladda Puntland, waxaana xilkaas ka qaaday Madaxweyne Deni 5 February 2020.

Wasiirkii Qorshaynta Puntland Cabdiqafaar Cilmi Xaange oo ay isku reer yihiin ayaa dhowaan noqday xildhibaan ka tirsan Baarlamanka Federaalka Soomaaliya.

Jamaal ayaa kamid ahaa dadkii doonayay kursiga Golaha Shacabka ee Beesha uu ka dhashay, balse waxa ku soo baxay Cabdiqafaar Xaange.

PUNTLAND POST

The post Agaasimihii hore ee Puntland TV oo lagu wado in uu kamid noqdo Golaha Wasiirada Puntland appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this