Sign in to follow this  
Deeq A.

Ukraine oo ka dalbatay wadamada caalamka in ay sharci darro ka dhigaan calaamada Z+Sababta

Recommended Posts

Deeq A.   

Ukraine ayaa ka dalbatay wadamada caalamka in ay sharci darro ka dhigaan calaamada Z+Sababta

 

 z.jpg

Dawladda Ukraine ayaa ugu baaqday wadamada qaar inay dambi ka dhigaan isticmaalka calaamadda Z taas oo ka dhigan taageerada Ruushka.

Waxaa ku xardhan tahay calaamadaan taangiyada Ruushka ee ku sugan Ukraine, xarafka Z – ayaa u taagan “za pobedu” oo micnheedu yahay (guul).

Saddexda magaalo ee Jarmalka ah ee Berlin, Bavaria iyo Lower Saxony ayaa sheegay in cid walba oo calaamad ganacsi u isticmaasha xarafka Z uu yahay mid taageeraya dagaalka laguna ganaaxi doono saddex sano oo xabsi ah.

Wasiirka Arimaha Dibadda Ukraine Dimitry Kuleba ayaa ugu baaqay wadamada kale in ay raacaan wadada Jarmalka.

Caalamadda ayaa kol hore lagu daabacay darbiyada dhismooyinka Jarmalka, iyada oo lagu dhajiyay dunaanado, calamo iyo gawaari.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this