Sign in to follow this  
Deeq A.

Nin Falastiini ah oo toogasho ku dilay shan Israa’iili meel u dhow magaalada Tel Aviv

Recommended Posts

Deeq A.   

Nin Falastiini ah oo toogasho ku dilay shan Israa’iili meel u dhow magaalada Tel Aviv

Booliska oo sugaya ammaanka goobta uu dilku ka dhacay
Booliska oo sugaya ammaanka goobta uu dilku ka dhacay

Nin Carab ah ayaa ugu yaraan shan qof ku dilay magaalada Tel Aviv kahor inta aan toogasho lagu dilin Talaadadii sida ay sheegtay waxaada adeegga gurmadka degdegga ah, waana weerarkii saddexaad ee lagu dilay dad u dhashay Israa’iil muddo toddobaad gudihiis ah.

“Israa’iil waxa ay wajaheysaa mowjado argagaxiso Carbeed oo dilaa ah,” ayuu Ra’iisul Wasaare Naftali Bennett kusoo qoray Twitter-ka kadib toogashada ka dhacday xaafadda Bnei Brak, oo ah magaalo Yuhuuda xagjirka ah oo ku taal duleedka caasimadda ganacsiga Israel.

Toogashada loo geysanayo dadka Israa’iil ayaa kor u dhaaftay 11 qof oo ay rag hubaysan oo Carab ahi ku dileen Israa’iil usbuucii lasoo dhaafay, waana tiradii ugu badnayd ee weerarro lagu qaado waddooyinka magaaladan muddo sano ah.

Madaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabbaas ayaa cambaareeyay dilka loo geystay dadka rayidka ah ee Israa’iil, wuxuuna carrabka ku adkeeyay in dilka Israa’iiliyiinta iyo Falastiiniyiinta ay horseedi doonto oo keliya in xaaladdu ay sii xumaato, isagoo ka digay weeraro aargoosi ah oo ay geystaan guud ahaan Yahuudda, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Falastiin ee Wafa.

Muuqaal laga sii daayay telefishinada Israa’iil ayaa muujinayay nin ku labisan dhar madaw oo qoriga darandooriga u dhaca ku ridayay dad ku socday waddo ku taal Bnei Brak.

Warbaahinta Israel oo soo xiganeysa saraakiil amni oo aan magacooda la shaacin ayaa sheegay in ninka weerarka geystay uu ahaa Falastiini kasoo jeeda tuulo u dhow magaalada Jenin ee dhulka la heysto ee Daanta Galbeed.

Reuters.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this