Deeq A. Posted March 30, 2022 Weerar ay dad ku dhinteen oo ka dhacay Israa’iil XIGASHADA SAWIRKA,REUTERS Waa weerarkii saddexaad oo noociisa ah oo ka dhacay gudaha Israaiil muddo toddobaad ah oo dad lagu dilay . Muuqaal laga soo duubay goobta uu falka ka dhacay ayaa muujinaya ninka hubeysan oo ku labisan dhar madow oo ka gudbaya waddo, islamarkaana rasaas aad u badan ridaya. Sida ay sheegtay warbaahinta Jerusalem Post, Dadka la dilay ayaa waxaa lagu toogtay waddooyin dhinaca isku haya, halka meydka hal qofna laga dhex helay gaari. Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Naftali Bennett ayaa qabanaya shir degdeg ah oo looga arrinsanayo xaalafdda amni ee israaiil. Ra’iisul wasaarihii hore israaiil haatanna ah hoggaamiyaha mucaaradka Benjamin Netanyahu, ayaa sheegay in Israa’iil ay ku jirto “mowjado weerarro is xigxiga oo khatar ah kuwaasi oo aan la arag sannado badan, waxaa uuna ku baaqay in la qaado tallaaboyin lagu soo celinayo nabadda iyo ammaanka muwaadiniinta Israa’iil. Warbaahinta Israa’iil ayaa ku warramaysa in qofka weerarka geystay uu ahaa 27 jir Falastiini ah oo ka soo jeeday tuulo ku taal woqooyiga Daanta Galbeed ee la haysto. Kooxda Falastiiniyiinta ee Xamaas ee maamusha Gaza ayaa bogaadisay weerarka, waxayna shegeen in ay “aad u ducayneyaan qofka geystay werarkaasi lagu qaaday magaaladda Tel Aviv”. Ammaanka guud ahaan Israa’iil iyo Daanta Galbeed ayaa aad loo adkeeyay kadib labadii weerar ee hore ee sidan oo kale loogu soo qaaday. Werarka koowaad ayaa waxaa fuliyay nin Carab oo Israa’iili u dhashay oo qorsheynayay in uu ku biiro kooxda Daacish (IS) ee ka dagaalanta Suuriya, wuxuuna soo dhameystay xukun xabsi. Ninkan weerarka geystay ayaa afar qof ku dilay bannaanka xarun laga dukaameysto oo ku taal magaalada koonfureed ee Beersheba. Shan maalmood ka dibna, laba qof oo iyagana asal ahaan carab ah lakin Israa’iiliyiin ah ayaa rasaas ku furay goob basaska laga raaco oo ku taal waqooyiga magaalada Hadera, halkaas oo ay ku dileen laba askari oo oo booliis 19 jir ah . IS ayaa sheegtay inay ka dambeysay weerarkaas, Ciidamadana waxay sheegeen in Saddexdii nin ee dilka geystay la toogtay. Waxaa jirto cabsi laga qabo in falal kale ay dhacaan bisha soo socota, gaar ahaan inta lagu guda jiro Bisha Ramadaan, ciida dadka ree Israa’iil iyo ciida Masiixiyiinta ee Easter-ka. Qaran News Share this post Link to post Share on other sites