Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxaad ka ogtahay xeerarka diidaya xubnaha NISA iyo ciidanka kale ee ku biiray BF?

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Tan iyo markii ay dalka ka bilaabatay doorashada baarlamaanka federaalka ah ee 11-aad ayaa waxaa kusoo baxay/la-xushay qaar kamid ah Saraakiil ciidan, xoogga dalka, booliiska iyo shaqaale heerar kaal duwan oo NISA ah.

Illaa hadda inta la ogyahay waxaa ugu sareeya Saraakiishaas saddex taliye oo NISA soo maray, taliyeyaasha qeybta 60-aad iyo Asluubta, waxayna qaarkood ku biiristooda baarlamaanka abuurtay xiisado hor leh.

Kaddib xulistooda iyo ka mid noqoshadooda baarlamaanka federaalka ah, si sharciga baalmarsan waxaa weli shaqada caadi u wata taliyaha KMG ah ee NISA Yaasiin Farey iyo ku-xigeenkiisa Kullane Jiis, sidoo kale waxaa shaqadii iska wata taliyeyaasha kale sida midka qeybta 60-aad iyo Asluubta.

Haddaba, maxay yihiin xeerarka iyo sharciyada xubnahaas u diidaya inay kamid noqdaan baarlamaanka, ayaga oo weli sii wata shaqooyinkii ciidan ee hore u hayeen.

1. Habraaca doorashada dadban ee ka dhashay heshiiskii September 17 ee ay saxiixeen madashada watashiga qaran, isla markaana ay meelmariyeen labada Aqal ee baarlamaanka 10-aad, waxaa uu dhigayaa in Saraakiisha/taliyayaasha ciidamada, xubnaha guddiyada madaxa bannaan ee Qaranka haddii ay tartamayaan waa in ay is casilaan saddex (3) todobaad ka hor wakhtiga diwaan-gelinta musharraxiinta.

2. Sharciga doorashooyinka qaranka qodobkiisa 24-aad, faqradiisa 4-aad iyo 5-aad waxay u qoran tahay: (4). Xubnaha ciidamada qalabka-sida, shaqaalaha Dowladda, diblomaasiyiinta, iyo xubnaha bahda garsoorka looma soo sharrixi karo doorasho liiskana laguma soo dari karo haddii aysan keenin caddayn shaqo ka tegis. (5). Warqadda caddaynta shaqo ka tegista looma diidi karo Murashaxa dibna looguma dhigi karo sabab la’aan.

3. Sharciga Axsaabta siyaasadda: Qodobka 11-aad waxaa isna ku qoran in xubnaha ka reeban kamid noqoshada xisbiyada siyaasadda ay qeyb ka yihiin Ciidamada Qalabka Sida, Garsooreyaasha Maxkamadaha dalka, Hawl-wadeenada safaaradaha (Diblomaasiyiinta) iyo Dhammaan shaqaalaha dowladda.

Dhamaan xubnahaas ayaa waxaa ka reebban inay kamid noqdaan asaasayaasha ama xubin xisbi siyaasadeed, ka qeyb-qaadashada ololeynta ama dardar-gelinta hawlaha xisbi iyo kulamadiisa iyo inuu muujiyo ujan-jeeridda xisbi siyaasadeed si oraah ama qoraal ah oo wax u dhimi karta dhex-dhexaadnimadiisa.

4. Shaqaalaha dowladda: Sharcigaan ayaa diidaya in masuulku uu isku mar wada qabto laba jago iyagoo aan si sharci ah loogu oggolaan. In uu Xil ka qabto Xisbi Siyaasadeed inta uu hayo shaqada Dowladda.

Marka laga imaado qoddobadaas, sidoo kale waxa uu dhigaya dastuurka oo ah heshiiska bulsho ee ugu weyn dalka in ciidanka laga rabo dhex-dhexaadnimo xag siyaasadeed (qodobka 127-aad ee Mabaadi’ida Ciidamada Amniga, faqrada “e”), taasina waa mid ka hor imaaneysa saraakiisha kala duwan ee hadda soo galay baarlamaanka 11-aad.

Haddaba, qoddobaas iyo kuwa kale oo aan xusin ayaa ka dhigaya soo bixista xubnahaas inay qeyb ka tahay fowdo sharci iyo mid ka jirta hey’adaha ammaanka, islamarkaana u baahan in tallaabo deg deg ah laga qaado, taasi oo xiligan ay go’aan qaadashadeeda hortaalo Ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo hadda mas’uul ka ah amniga qaranka.

Si kastaba, Xubnaha baarlamaanka 11-aad kusoo galay doorashada u eeg xulashada kuma eeka oo kaliya Saraakiisha iyo xubnaha ciidanka, waxaa kale oo kamid ah shaqaale rayid ah oo ka howl-gala dowladda federaalka ah iyo maamulada xubnaha ka ah.

The post Maxaad ka ogtahay xeerarka diidaya xubnaha NISA iyo ciidanka kale ee ku biiray BF? appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this