Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddiga Doorashooyinka SEIT Somaliland oo Gudbiyey Xogta Xildhibaannada Baarlamaanka 11-aad

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddigii maamulayey doorashooyinka labada aqal ee Baarlamaanka 11-aad ee Gobolada Waqooyi ayaa maanta guddiga hirgelinta doorashooyinka dadban ee FEIF waxaa uu ku wareejiyey agabkii iyo xogtii xildhibaannada.

Doorashada xildhibaannada labada aqal ee uu maamulayey guddiga doorashooyinka SEIT Somaliland ayaa waxaa ay ka dhacday magaalada  Muqdisho, waxaana lagu soo doortay 57 mudane oo iskugu jiray labada aqal ee BJFS.

Dabayaaqadii bishii February ayey aheyd markii Muqdisho lagu soo idleeyey doorashada xildhannnadii ugu dambeeyey ee gobolada waqooyi, waxaana xigay maamullada Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Puntland.

Guddiga doorashooyinka heer federal ayaa horay u shaaciyey in xidhibaannada cusub ee Baarlamaanka 11-aad ee Jamhuuriyadda federalka Soomaaliya la dhaarin doono 14-ka April 2022-ka, iyagoo dalbaday in xogta la keeno.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this