Sign in to follow this  
Deeq A.

SEIT Galmudug oo Soo Gudbiyay Xogta Xildhibaannada Baarlamaanka11-aad

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddiga doorashooyinka dadbadan ee SEIT Galmudug ayaa maanta waxaa uu xogta xildhibaannada cusub ee Baarlmaanka 11-aad ee Jamhuuriyadda federalka Soomaaliya ku wareejiyey guddiga heer federal ee FEIT.

Guddiga ayaa waxaa uu wareejiyey xogta iyo agabkii lagu qabtay doorashooyinkii kusoo idlaaday Gaalkacyo iyo Dhuusamareeb, waxaana lagu soo kala doortay 45 mudane oo 37 kamid ah waa golaha shacabka iyo 8 Senators.

Guddiga doorashooyinka Galmudug ayaa waxaa uu ahaa kii sedexaad soo idleeyey doorashooyinka labada aqal kadib SEIT Somaliland iyo SEIT Koonfur Galbeed, oo ahaa kuwii ugu horeeyey ee soo idleeyey doorashooyinka.

Guddiga doorashooyinka heer federal ayaa horay u shaaciyey in xidhibaannada cusub ee Baarlamaanka 11-aad ee Jamhuuriyadda federalka Soomaaliya la dhaarin doono 14-ka April 2022-ka, iyagoo dalbaday in xogta la keeno.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this