Sign in to follow this  
Deeq A.

Daawo: Qoyska Bashiir Raage oo kiis xasaasi ku eedeeyey Cabdullaahi Maxamed Nuur

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka amniga xukuumadda Soomaaliya Cabdullahi Maxamed Nuur ayaa lagu eedeeyey inuu boobayo dhul u dhow garoonka Aadan Cadde oo uu lahaa Allaha u naxariistee ganacsade Bashiir Raage Shiiraar oo bilo ka hor ku geeriyooday magaalada Muqdisho.

Sahro Cabdi Jaamac oo ah xaaskii marxuum Bashiir Raage Shiiraar ayaa maanta warbaahinta la hadashay ayadoo codsi ka dhan ah wasiirka amniga u dirsatay Ra’iisul Wasaaraha, Madaxweynaha iyo Duqa Muqdisho.

Dhulkaan oo ah garaash weyn oo ku dhex yaalla Xalane waxaa dhex yaalla gaadiid nooca xamuulka qaada ah, kunteenaro iyo baaldoosarro, waxaana gaadiidkaas lahaa ganacsade Bashiir Raage Shiiraar.

Sahro Cabdi Jaamac ayaa sheegtay in wasiirka amniga uu galay damaca dhulkaas kadib markii uu geeriyooday seygeedii Bashiir, isagoo garaashka ku hor jaray kunteenarro iyo dhagaxda waaweyn ee wadooyinka lagu jaro.

Waxay sheegtay in agoonta Bashiir laga biili jiray garaashkaan uu ku qabsaday wasiirka amniga, iyadoo sheegtay in awooda dowladda iyo xilka uu haayo uu ugu awood sheegtay.

“Cabdullahi Maxamed Nuur hadii uu dhulkaan leeyahay, wuxuu soo aadi lahaa intii uu noolaa Bashiir Raage, balse markii uu dhintay ayuu ciidan iyo dhagax nagu hor jaray, meeshaan waxaan ilmaha uga soo saaraneynay qutulyoomka, waxaan idinka codsanayaa inaad naga qabataan ninkaan nagu handadaya shaatiga dowladda,” ayey tiri Sahro Cabdi Jaamac oo ah xaaskii ganacsade Bashiir Raage Shiiraar.

Hoos ka daawo

The post Daawo: Qoyska Bashiir Raage oo kiis xasaasi ku eedeeyey Cabdullaahi Maxamed Nuur appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this