Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Khilaaf ka dhex qarxay Qoor Qoor iyo ku xigeenkiisa iyo Cali Ciid oo biilkii laga jartay

Recommended Posts

Deeq A.   

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Waxaa soo ifbaxay khilaaf culus oo u dhaxeeya madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor Qoor iyo ku xigeenkiisa Cali Ciid, kaas oo mudo soo jiray, balse cirka isku shareeray 24-kii saac ee u dambeeyey.

Khilaafkaan wuxuu salka ku hayaa kursiga wasiirka arrimaha gudaha Galmudug oo Axmed Qoor Qoor uu xalay dib ugu magacaabay Cabdi Waayeel.

29-kii bishii May ee sanadkii hore ayuu Madaxweyne ku xigeenku xilkii ka qaaday wasiir Cabdi Waayeel oo ay isku heyb yihiin, balse ay laba jufo kala yihiin, xilligaasna Qoor Qoor wuxuu ku maqnaa Muqdisho.

Warqadii xilka looga qaaday Wasiir Cabdi Waayeel waxaa lagu sheegay in sababta xilka looga qaaday ay tahay gudasha la’aan waajibaadkii shaqo iyo hurinta colaad beeleedyada deegaanada Galmudug.

Sida ay ogaatay Caasimada Online labadii bilood ee lasoo dhaafay Axmed  Qoor Qoor wuxuu miisaaniyadda ama biilka ka jartay xafiiska ku xigeenkiisa Cali Ciid.

Hadda Madaxweyne ku xigeenku wuxuu ka maqan yahay dalka, wuxuuna ku sugan yahay wadanka Tanzania, halkaas oo howlo shaqo uu u joogo.

Hase yeeshee ninkii uu xilka ka qaaday 10 bilood ayaa xalay dib loogu magacaabay isla xilkii, iyadoo uu weli jiro khilaafkii Cali Ciid iyo Wasiir Cabdi Waayeel iyo kan u dhaxeeya Qoor Qoor iyo Cali Ciid.

Dhanka kale warar soo baxay waxay sheegayaan in mooshin ka dhashay la tashi la’aanta Axmed Qoor Qoor ee ku xigeenkiisa uu abaabulkiisu Dhuusamareeb ka socdo, kaas oo ka dhan ah Madaxweyne Qoor Qoor.

The post Xog: Khilaaf ka dhex qarxay Qoor Qoor iyo ku xigeenkiisa iyo Cali Ciid oo biilkii laga jartay appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this