Deeq A. Posted March 29, 2022 Dubai (Caasimada Online) – Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawadda Soomaaliya, Duran Axmed Faarax iyo wafdi uu hogaaminayo oo ku sugan magaalada Dubai ee wadanka Isutaga Imaaraadka Carabta, ayaa halkaas uga qeyb-galay shir muhiim ah. Shirkaan oo lagu magacaabo “kulanka dawladaha Aduunka” ayaa waxaa ka qeyb-galay in ka badan 190 wadan, oo ay kamid tahay Soomaaliya. Shirka ayaa maanta lagu soo bandhigay doodo xoojinaya dawladnimada, sidoo kalena kor loogu qaadayo hal abuurnimada, si dawladaha caalamka ay ula jaan qaadaan isbadalada caalamiga ah. Dowladda Soomaaliya ayaa shirkaan kusoo bandhigtay fikrado la xiriira iskaashi caalami ah oo ku saleysan horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha ay ugu horeeyaan horumarinta garoomada diyaaradaha. Wasiir Duraan ayaa ugu dambeyntiina dhankiisa sheegay in qorshaha is-waafajinta duulimaadyadda rayidka ah iyo Amniga Internetka ee maanta lasoo bandhigay uu wax badan ka taridoono badqabka Duulimaadyadda Rayidka ah. The post Wafdi ka socday DF oo ku sugan Imaaraadka + Ujeedka appeared first on Caasimada Online. Share this post Link to post Share on other sites