Sign in to follow this  
Deeq A.

Ukraine oo war dhiilo leh & Digniin Culus u dirtay Weftigeeda wadahadalka u jooga Istanbul 

Recommended Posts

Deeq A.   

Ukraine oo war dhiilo leh & Digniin Culus u dirtay Weftigeeda wadahadalka u jooga Istanbul 

ukraine-16.jpg

Ka hor inta aysan bilaabmin wada-hadallada maanta ee Istanbul, wasiirka arrimaha dibadda ee Ukraine Dmytro Kuleba ayaa kula taliyay qof kasta oo tagaya wada-xaajoodka Ruushka “inuusan wax cunin, waxna cabbin”.

Wasiirka ayaa arrinkan shaaciyay mar uu ka hadlayay telefishinka wararka Ukraine ee Ukrayina 24. Digniintan ayaa timid ka dib markii la tuhunsanaa in la sumeeyay bilyaneerka Ruushka Roman Abramovich iyo wada xaajoodayaasha Ukraine horaantii bishaan wadahadal nabadeed oo ka dhacay xadka Ukraine iyo Belarus.

Waxaa jira shaki laga qabo sumayn, waxaana sarkaal Mareykan ah oo aan magaciisa la sheegin ay wakaaladda wararka ee Reuters ka soo xigatay in sirdoonka uu sheegay in calaamadaha ay sabab u yihiin arrimo “deegaan” ah, ee aysan ahayn sunta.

Abramovich ayaa lagu arkay goobta uu wada xaajoodka ka socda, sawirro ay baahiyeen warbaahinta Turkiga ayaana lagu arkayay.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this