Sign in to follow this  
Deeq A.

Siyaasi Kaysar oo ka hadlay sida Hargeysa Biyo ku filan u heli karto

Recommended Posts

Deeq A.   

Siyaasi Kaysar oo ka hadlay sida Hargeysa Biyo ku filan u heli karto

KaysarCabdilaahi.jpg
Haddii aynu doonayno inay magaalada Hargeysa Biyo hesho oo isbedel muuqda ay Caasimadu hesho, waxaa waajib ah in maamulka Wakaaladda Biyaha la hoos geeyo Dawlada Hoose ee Hargeysa, sidii ay ahaan jirtay waagii hore, waxa kale oo jira sidaan filayo inay Xeerarka Golayaasha Deegaanku ay ku dhisan yihiin uu si cad u tilmaamayo in Wakaaladda Biyaha ay maamulaan Dawladaha Hoose, haddii aan khaldanahay sharci yaqaanaada ayaa ina sixi.
Haddii aynu doonayno in Caasimadeenu horu marto oo ay dadkeedu Biyo helaan waxaynu u baahanahay in Mayor Cabdikariim Axmed Mooge la hoos geeyo oo isbedelka uu Hargeysa ku sameeyay ku samayn kara Wakaaladan Biyaha ee ay baahida weyn ay Caasimadu u qabto in laga shaqaysiiyo.
Haddii aynu doonayno inaynu horumar ku talaabsano aynu shaqada u dirano dadka kartida leh ee waxtarkoodu uu muuqdo, balse horumar ku gaadhi mayno intaynu xilka u dhiibabayno kuwa bilaa kartida ah ee shaqadii loo diray ka dhigay inay Af-xumo warbaahinta la soo hor fadhiyaan.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this