Sign in to follow this  
Deeq A.

Taalibaan oo mamnuucday in Haweenku maxram la’aan safraan

Recommended Posts

Deeq A.   
ca519de5-397f-4aae-93e1-0fb0c4fb3061_cx0

Taalibaan ayaa amartay shirkadaha diyaaradaha ee dalkaas ka howlgala inay haweenka ka joojiyaan inay raacaan haddii aanu la socon nin ehel ah ama maxram.

Xannibaaddan cusub ee haweenka la saaray ayaa daba socota markii Arbacadii la xiray dhammaan Dugsiyada Sare ee gabdhaha saacado kadib un markii loo ogolaaday in markii ugu horeysay dib loo furo tan iyo markii Taalibaan ay xukunka la wareegeen bishii August.

Laba sarkaal ka tirsan shirkadaha diyaaradaha ee Ariana Afghan Airlines iyo Kam Air ayaa Axaddii sheegay in Taalibaan ay ku amartay inay haweenka ka joojiyaan inay diyaaradaha koraan haddii ay kaligood yihiin.

Go’aankan ayaa la qaatay kadib kulan Khamiistii dhex-maray wakiilo ka socday Taalibaan, labada shirkad iyo mas’uuliyiinta socdaalka ee garoonka diyaardaaha, sida ay AFP u sheegeen labada sarkaal oo codsaday inaan la magacaabin.

PUNTLAND POST

The post Taalibaan oo mamnuucday in Haweenku maxram la’aan safraan appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this