Sign in to follow this  
Deeq A.

3 arrin oo sabab u ah inay kuraasta la furo ka cararaan xubnihii horey ugu fadhiyey

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Xilli lagu jiro gunaanadka doorashada Soomaaliya waxaa abuurmay cadaadis lagu furay qaar kamid ah kuraasta taalla Galmudug iyo HirShabelle.

Madaxda labadaas maamul ayaa ku dhici waayey inay kuraasta qaar xiraan, kuraasta la furay inta badan isbadal ayey foodda dareen, sida kuraasta #HOP60, #HOP38, #HOP58, #HOP66, #HOP63, #HOP58 iyo  #HOP95.

Qaar kuraastaas kamid ah waxaa lagu garaacay xubnihii horey ugu fadhiyey oo tartanka ka qeybgalay sida Ubax Tahliil Warsame iyo Cabdullaahi Goodax Barre, kuwaas oo isku dayey inay kasoo dhex baxaan tartan furan balse laga adkaaday.

Laakiin sheekada xiisaha leh waxay tahay in kuraasta qaar ay ka carareen xubnihii ku fadhiyey markii tartanka la furay.

Xildhibaan Nuur Iidow Beyle oo ku fadhiyey kursiga #HOP58 ee yaalay Magaalada Beledweyne wuxuu noqday qofkii ugu dambeeyey ee ka tanaasulay kursigii uu ku fadhiyey kadib markii la furay loolanka kursiga.

Wuxuu ahaa musharax ka socday dhanka Villa Somalia, kal hore Cabdikariin Dhalac ayaa isaguna isaga haray kursigii uu ku fadhiyey ee HOP95 ee yaalay Magaalada Gaalkacyo kadib markii la furay, xubno kale ayaa sidaas oo kale ka quustay tartanka.

Dhalac isna wuxuu ahaa musharax kale oo ay Villa Somalia wadatay, haddaba Dadka waxay is waydiinayaan waxa sababaya in mar kasta oo kursiga la furo inay haraan xubnihii ku fadhiyey.

Dhowr qodob ayaa lagu soo koobay arrintaan.

1– Matalaad xumo

Xildhibaan badan maalintii ay kursiga qaataan ayaa ugu dambeysa reerka ay matalaan oo ay xisaabtooda ku joogaan siyaasadda, waxay xubnahaas xoog geliyaan danahooda shaqsiga ah.

Waxaa kala lumay iyaga iyo qabiilka, wuxuuna miirkooda soo laabtaa marka la gaaro waqtiga doorashada, waa xilli aan wax laga gaarin.

Ballan qaad cusub iyo farsamadu waa sheegid, laakiin waa iska adagtahay in shekadaasi kaa aqbalaan qabiil aad tuurtay maalintii aad tabarta heysay. Matalaad xumo ayaa loo arkaa mid kamid ah sababaha ay u carareen xubnahaas.

2- Baraaruga Beelaha

Waqti hore qabiilada wax weyn uma arki jirin kursi xildhibaan, adeeg gaar ah lagama filan jirin xidhibaanka, markii uu soo laabtana waa loo miisi jiray, balse hadda waxaa hirgalay baraarug weyn oo beelaha dhexdooda ah.

Ururo dhallinyaro oo kursiga dabagal ku hayo ayaa beel walba ka dhex dillaacay, dadku waa joodaan hadda waxayna si ka duwan sidii hore bilaabeen qiimeynta Dadka ay u dirsanayaan matalaada siyaasadda.

Baraaruga Beelaha wuxuu keenay isla xisaabtan iyo kala xulasho, dad badan ayeyna taasi ku keentay inay ka dhuuntaan fagaaraha.

3- Naceybka loo qabo nidaamka madaxweyne Farmaajo

Shantii Sano ee lasoo dhaafay xaalado culus oo siyaasi ah oo bulshada iyo madaxdii xukunka heysay aad u kala fogeeyey ayaa ka dhacay dalka.

Dadka kasoo jeeda HirShabelle iyo Galmudug badankood waxaa ag taalla diidmo weyn oo nidaamka Farmaajo ah. Dhammaan kuraastii la furay waxay si deg deg ah u maja xaabiyeen dadkii lala xiriirnayey Farmaajo, qaarkoodna waa ka carareen tartanka.

Matalaad xumo hore, baraaruga beelaha iyo diidamada loo qabo nidaamka madaxweyne Farmaajo oo is biirsaday ayey Dadku badi kusoo koobayaan sababta ay xubno badan uga carareen kuraastoodii markii la furay.

Dadka qaar ayaa arrintaan ku xiraya jihada doorashada madaxweynaha, laakiin waa adagtahay in la is waafajiyo xaaladda Kursi hal Beel laga doonayo iyo Kursi madaxweyne oo dhex yaala 329 xildhibaan oo Soomaali oo dhan ka kooban.

The post 3 arrin oo sabab u ah inay kuraasta la furo ka cararaan xubnihii horey ugu fadhiyey appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this