Sign in to follow this  
Deeq A.

Falanqaynta socdaalkii Madaxweyne Muuse, nabadgelyada Somaliland, iyo Doorashooyinka soo socda.

Recommended Posts

Deeq A.   

Hees hawleedyada geela waxa ku jirta hees tidhaahda sidan:  “Soddon inaad qadi, Sool inaad tagi, Saa biyaha kucab”. Haa, weftiga Madaxweynuhu watey la isma caasiyee dagaal kuma yarayn oo waad arkayseen inuu madaxweyne Muuse uu bakoorad dabada kaga wadey af ingiriisada uu ku hadlayey. Run ahaantee, kaftankii Xildhibaanad Ilhaan Cumar sidaas aan kor ku soo xusay buu xambaarsanaa, laakiin waxaynu wada ognahay inuu af-ingiriisidu uu leeyahay lahjado kala duwan oo dalka ingiriiska ee aad aragteen ayaa isu kala qaybiyo luqad ahaan waqooyi iyo koonfur. Afka lagaga hadlo UK, Canada, USA, Australia, New Zealand, iyo South Africa waxay ku kala duwan yihiin sidaa loogu dhawaaqayo erayada(dialect) oo ah lahjed. Innagoo halkaas ka duuleyna, Madaxweynuhu ingiriisi fiican buu ku hadlay oo uu khudbadihiisa ku jeediyey, luqadana shayga ugu muuhmiihsani waa in lagu fahmo ujeedadaada( Conveying ideas). Madaxweynaha iyo weftigiisu shaqo fiican bay soo qabteen waana shaqadiisa loo igmaday, sidaas darteed wax xumaan iyo xajiin ah yaan laga dhex baadhin socdaal kaas isaga ah. Waxase runtu tahay, inaynu ictiraafka meelo khaldan ka raadineyno, waayo Ictiraaf keenu waxuu ku xidhan yahay wada hadalka aynu la yeelano dalka Somalia ee aynu walaalaha nahay hadda taas micnaheedu maaha iyaga ayaa innoo haya ictiraafka, ee waa wax aynu wada lahaan jirney oo aynu imminka ku kala baxayno uun. Maanta Somalia waxay ugu soo duusho dalka Somaliland ama dagaal innoo dhex maro ma jirto, Mabda’ iyo fikrado(Ideologies) aynu isku dilnaana meesha ma yaaliin, sidaas darteed waxay Somaliland iyo Somaliya oo wada Soomali ahi, ay isku dilaan oo ay askar masaakiin ah u galaaftaan meesha iigama muuqato, waana u garaad xumo ninkii guul halkaas ka dhex badhaa. Hadduu Farmaajo leeyahay adeerkay baad rideen xukuumadiisii oo waan usoo aar gudayaa waxaanu leenahay “ shifo ku afsaar oo shar kuuma leh” ee haat-burhaanak yaa Farmaajo.

Nabada Somaliland ka jirta ma mid gees Dibi korkiisa saaran baa?

Hees kale oo geela lagu rakaadiyo baa tidhaahda : Adna dheehooy, Feedho dhimman bay, Dhaami leedahay, Anna dhabarkiyo, Meel dhexdaasoon, Jeer u dhacay baan, Dhawr is leeyahay. Madaxweyne Muuse Biixiyow dalka Somaliland waanu kuu dooranay oo weliba khalad kuugu hiiliney, Distoorka dalku weli dawladnimadii dhidibada ugamuu aasin oo hay’adaha dawliga ahaa waa iska wagash wagash aan qaangaadhin. Madaxweynaha Somaliland loo doortaa waa boqor la doortay oo isaga ilaa wasiirada, maareeyayasha iyo agaasimayaashaba magacaaba, laakiin haddii aynaan lahayn sharci qof kasta siinaya shaqo la xidhiidha farsamada iyo aqoonta uu leeyahay (Meritocracy) oo uu sidaas ku noqonayo  shaqaale dawladeed( Civil servant) oo joogto ah, oo aan loo eegeynin meesha uu ku dhashay iyo cida uu ka dhashay, weli ayaan daradaasi way jirtaa. Maantase madaxweyne kasta oo Somaliland yimaadaa sidaas uun buu u dhaqmayaa waxaana laga bartay maamulkii Afweyne Barre. Hadaba, madaxweyne Muuse isagoo ah qofkii dadka reer Somaliland ka shaqaaleysiinaya xukuumada iyo dawladnimada Somaliland, cidda uu u badiyona aynaan halkan ka sheegeynin, ayaa hadana waxaynu ognahay inaan cidina madaxweynaha la xisaabtami karin waayo hay’adihii la xisaabtami lahaa baan weli tis qaadin. Shaki kuma jiro inuu Muuse Biixi ku takrifalo awoodaha dawladnimo ee ay xukuumadiisu masuulka ka tahay, waxaynu ognahay inuu saamiley weydiisto ganacsatada Somaliland, oo uu xitaa shidaalkiisii uu dalka isagu keeno. Waxaas oo dhan madaxweynaha waa ka ogolnahay, laakiin mid uu Ilaahay na siiyey, oo uu dadka reer Somalilandna ay Ilaahay ugu mahddnaqaan kama yeeleyno inuu nagu hor baabi’iyo… taas oo ah Nabadaas Ilaahay nagu galaday reer Somaliland ahaan. Dalkan cadow badan baa dhex jooga oo is leh maalinta ay dhibaato reer Somaliland la soo deristo Ilaahay innaguna keenee ka dhex toosa (Sleeper cell). Muqdisho iyo Somaliya dadka wax ku laayaa ama xarakada Shabaab ha noqoto ama daaquyada dawlad ku sheega ah u shaqeeya ha noqotee sida NISA, waxay soo kaxaystaan baabuur aan lahayn nambaraka saxanka baabuurta iyagoo madaxyadooduna ay duuban yihiin. Hadaba, marka dad sida la sheegay guriga madaxweyne ka soo casheeyey ay intay madaxyada soo duubtaan ay baabuur dhoweeye ah oo aan sidan nambarkii saxanka( Plate number) ay dad soo dabo galaan ama dad hudheel fadhiya intay dibeda ku sugaan ay xabad ka dul ridaan una hanjabaan sidii ku dhacday labadii weriye ee laga helay hudheelka Summer time, waxay taasi innoo horseedeysaa biyo badweyn aynaan hore u arkin (uncharted waters). Waxa dhici doonta haddii yaryarka madaxweyne difaacayaa ay sidan ku sii socdaan, in waxa Muqdisho ka dhaca oo kale ay yimaadaan Hargeysa iyo Somaliland. Yaa u diidaya in qof xarakadahaas argagixisada u jooga Hargeysa inuu intuu sameeyo sida yaryarkani sameeyaan, uu markaas qof innagu culus halkaas lagu dilo oo la yidhaahdo yaryarkii guriga madaxweyne Muuse kasoo quraacan jirey baa tani sameeyey. Maxaa madaxweyne markaas ku maydha kara, miyaanad adigu innaga shaashaynaynin nabadii yarayd ee aynu hal kaas ku soo gaadhney. Wax kasta oo kale waanu kuugu dul qaadin karnaa adiga iyo rakaab-kaagaba, laakiin ku dheel dheelka iyo ku jees jeeska aad nabada dalka ka jirta aad dhayalsanayso iga walaanaan kaa yeeleynin ee caruurtaada qabso intay goori goor tahay. Ta kale, wariyeyaashu waa lama taabtaan iyo birmo-geydo ama geed aan la garaaci karin, bal ka waran maalintii dhoweyd iyadoo xabadaas weriyaha lagu cabsiinayey intay dib u soo seeraarto (Ricochet) ay wariyahaas meel xun kaga dhacda oo halkaas ku gafaalato, waxuu socdaalkaagu noqon lahaa mid aad ku fadeexadowdo oo ceeb innoo soo jiida oo tafo-dhiigeysan.  Hantida dalka boob, shaqaale ciddaad doonto qoro, dhul waxaad doonto boob, ganacsatada baad ka qaad kii kaa golaada, balse kaa yeeli meyno inay caruurtaadu ay ku ciyaarto nabadda dalka, waayo dalkani waa Gasiirad nabad ah oo ku wareegsan yihiin goobo ay ka taagan yihiin guluf iyo colaado aafoyin ahi. Heestii geela ee ahayd “ Caloolweynaa, Oo cir badanaa, Caska waagiyo, Casar dabadii, May cabaysaa?. Waar bal taas uun ha naga kala duminin Madaxweyne, wax kastoo kale kuugu dul qaadanee.

Doorashooyinka soo socda iyo ururada.

Dee maanta waa heesihii geela’e “ Sidii loo helay, Loogu hadalyoo, Laguma heshiin”. Somalidu waxay sharci ka dhigatay marka laga hadlayo sida geela loo dhaqdo “ Geel waa geel iyo hadba xerada uu ku jiro.” Doorashooyinka Somaliland waa dusha ka sumuni hoosta ka gambo, oo waxa lagu fuulaa uun kursiga madaxweynimada iyadoo hab qabyaaladeysan ama kooxaysan wax loo wado. Hanaanka dimuquraadiyada waxay leedahay faracyo badan oo ay labada ugu horeeyaa yihiin Nabada iyo Horuumarka qofka muwaadinka ah. Nabad waynu haysanaa haseyeeshee horuumar innooma muuqdo aan ahayn qabyaalad lagu tasbiixsanayo. Somaliland dawladnimadeedii waxa laga dhigtay sidii geela oo marba ninka xerada geela ku jiro hor joogaha ka ah, ilayn waa madaxweynihiiye ayaa waqtiga doorashadu ay dhacayso iyo haddii waqtiga madaxweyne-nimadiisa loo kordhinayo, isaga ayaa inoo yeedhiya uun, oo distoor iyo sharci la ixtiraamaa ma jiro.  Hadaba, madaxweyne Muusow labo arrimood mid uun baa lagaaga fadhiyaa, inaad urarada furtid oo sharciyadii iyo xeerar waxii ka dhinaa aad imminka samaysid oo si dhakhso ah aad wax walba u dardar gelisid si ay markaas u dhacdo doorshadii madaxweynenimadu. Waxaan aaminsan ahay inay KDQ Somaliland ay qaban karaan doorashada madaxweynaha iyo kala saarida ururada la furi doono oo aanay doorashada madaxwenenimadu aanay waqtigeeda dhaafi karin November13, 2022. Haddii aad boobi kartid iyo haddii aad la soo bixi kartid labo urur oo hadhow kuu noqda kuwa aad ka badin kartid, haka werwerin ee ku dhaqaaji, balse waqtiga arrimaha ururada iyo doorashada madaxweynaha ay dhici doonaan ha innagaga luminan sheeko xariir iyo khuurooyinkii reer Qaaxo. Ta labaad, Saddexdan xisbi ee iminka jiraa ha wada galeen doorashada madaxweynenimada soo socota. Run haaantii waxaanu aragnaa labo farac oo Kulmiye ah, oo midna xisbiga Kulmiye haddadan uu dhex joogo midna xisbiga Waddani dhex joogo, oo waa rag wax kala riixanaya uun oo aan waxba is dhaamin labadaas xisbi. Bal inta wasiiro hore ama masuuliyiin hore ka ahaa xukuumadii kulmiye ee Siilaanyo imminkana hogaaminaya xisbiga Waddani dhugta akhristayaalow…… waxaynu kala doorano anigu ma arko. Haseyeeshee, haddii laga tegi waa yo, oo aad sidaas kula gasho labada xisbi mucaarid ee imminka jira, waxaad ku abshirtaa inaanaan mar danbe Aw Muusow ku soo dooran doonin taas micnaheedu maaha inay xisbiyada mucaaridka ahi ay kaa fiican yihiin ee waxaanu adiga iyo xisbiyada mucaaridka ahba tusaynaa, inaanu waxna dooran karno waxna ridi karno, oo aanu kursiga ka tuuri karno wiil kasta oo raganimo is biday. Bal dhinac uun Aw Muusow dalka u dhaqaaaji oo humaaga jira ka gudbi. Ilayn abaar lagu marmarsiiyoodaa ma muuqato oo weliba sida la saadaaliyey waxa soo socota Deyr roobab badan wadata in’sha’Allahu( East Africa’s El Niño phenomenon 2022).

W/Q Siyaasi Cali Kubad

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this