Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Maxaa looga hadlay kulankii Rooble iyo Kate Foster?

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya Kate Foster.

Kulankaan ayaa waxaa looga wada-hadlay arrimaha doorashooyinka dalka, dhacdooyinkii argagixiso ee u dambeeyay ee ka dhacay Muqdisho iyo Beledweyne, sida lagu sheegay qoraal uu xafiiska Rooble kasoo saaray kulankaan.

Sidoo kale waxaa kulankaan diirada lagu saaray xaaladaha bani’aadanimo iyo sidii ay dowladda Ingiriiska dhankeeda uga qeyb qaadan laheyd gurmadka abaaraha dalka ka jira.

Safiir Kate Foster ayaa Ra’iisul Wasaaraha uga tacsiyeysay dadkii waxyeelAdu ka soo gaartay weerraradii argagixiso ee ka dhacay Muqdisho iyo Beledweyne, iyadoo sheegtay in Britain ay ku garab taagan tahay xukuumadda iyo shacabka Soomaaliyeed dadaalkooda ku aadan xaqiijinta nabadda dalkooda.

Ugu dambeyntiina Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa dhankiisa u xaqiijiyay inay ka go’an tahay in qeybaha ka harsan doorashooyinka dalka oo gebo-gebo maraya ay ku soo dhammaadaan si nabad ah.

Si kastaba, Kulankaan ayaa qeyb ka ah kulamo kala duwan oo Ra’iisul Wasaare Rooble uu maalmihii dambe kaga arrinsanayay xaalada amni ee dalka iyo arrimaha doorashooyinka.

277169822_321170593445427_13782066214305 277105928_321170583445428_20514642535382 277175274_321170623445424_71104438132369 Kate-Foster.jpeg?resize=696%2C464&ssl=1 Rooble.jpeg?resize=696%2C464&ssl=1 277353167_321170743445412_18200016518486

The post Sawirro: Maxaa looga hadlay kulankii Rooble iyo Kate Foster? appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this