Deeq A. Posted March 28, 2022 Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xueeen ayaa maanta kormeer ku tagay Cusbitaalka guud ee Magaalada Beledweyne oo burbur xoogan uu kasoo gaaray qaraxyadii ka dhacay halkaas. Madaxweynaha oo kormeerka uu ku heliyay Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Mudane Cali Jeyte Cusmaan ayaa mid mid u kormeeray qeybaha kala duwan ee Cusbitaalka oo burbursan dhamaana ay baaba’een wixii qalab iyo daawo ahaa ee cusbitaalka yiilay. Madaxweynaha ayaa sidoo kale soo indha indheeyay goobaha ganacsi ee ku burburay qaraxyadii ay argagixisadu la bartilmaameedsadeen cusbitaalka guud ee Magaalada. Madaxweynaha ayaa ugu dambeyn Dowladda Federaalka, jaaliyadaha Hirshabeelle iyo bulshada Soomaaliyeed ugu baaqay inay ka qeyb qaataan dib u howlgalinta Cusbitaalka guud ee Gobolka oo burburay maanta aan bixin karin wax adeeg caafimaad ah. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Guudlaawe oo booqday isbitaalka Beledweyne appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites