Sign in to follow this  
Deeq A.

Doorashada kursi kamid ah Golaha Shacabka oo maanta lagu qabanayo Beledweyne

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddiga maamulka doorashada heer dowlad goboleedka Hirshabeelle, ayaa maanta lagu wadaa in ay magaalada Beledweyne  ku qabtaan  doorshada kursiga Hop#058 oo ay ku tartamayaan musharrixiin kala duwan

Shalay ayaa loo madal sanaa in la qabto doorashada balsa dib ayay u dhacday, waxana hadda Beledweyne ka socodo qaban qaabada doorashada kursigasi, Musharaxiinta ku tartami doono kursiga doorashadiisa la qabanayo ayaa kala ah:

Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe), Eng Yoonis Maxamed Nuur, Cali Cabdullaahi Cosoble, Cabduqaadir Xuseen Coloow, Maxamuud Afdhuub Makaraan, Cabdullaahi Axmed Xuseen iyo Ubax Cali Sheegow

Hirshabeelle ayaa weli waxa ku harsan kuraas dhowr ah oo an la qaban doorashadooda, iyadoo lagu wado in ugu dambeeyn 15-bisha soo socoto la soo gaba gabeeyo doorashada xildhibannadana la dhaariyo si ay wajibkood u gutaan.

PUNTLAND POST

The post Doorashada kursi kamid ah Golaha Shacabka oo maanta lagu qabanayo Beledweyne appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this