Deeq A. Posted March 28, 2022 (SLT-Tel Aviva)-Israa’iil ayaa bilaabi doonta marti-gelinta shir taariikhi ah oo ay ka qayb galayaan afar waddan oo Carab ah iyo Maraykanka. Wasiirada Arrimaha Dibadda ee Mareykanka, Imaaraadka Carabta, Baxrayn, Marooko iyo Masar ayaa ka qeyb galaya shirkan oo ka dhacaya saxaraha Negev. Sannadkii 2020-kii ayey Imaaraadka iyo Baxreyn hagaajiyeen xidhiidhkii ay la lahaayeen Israa’iil, taas oo qayb ka ahayd dhexdhexaadintii Mareykanka. Marooko ayaa sannadkii hore raacday tallaabadii Imaaraadka iyo Baxrayn. Jimcihiina Morocco waxay heshiis is-afgarad ah la saxeexatay Israa’iil kaas oo ku saabsan iskaashiga millatariga, sida uu sheegay afhayeen u hadlay ciidammada sirdoonka Israa’iil. Wadahadallada ayaa la filayaa in diiradda lagu saaro dagaalka Ukraine iyo heshiiska Nukliyeerka ee Iran. Source Share this post Link to post Share on other sites