Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Ukraine Oo Wareysi Siiyey Warbaahinta Ruushka Oo Xabad Joojin Ku Baaqay

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Kyiv)-Madaxweynaha Ukraine Zelensky oo wareysi siiyey qaar kamid ah warbaahinta madaxa-bannaan ee Ruushka ayaa baaq nabadeed u diray dowladda ay jaarka yihiin ee kusoo duushay.

Zelensky oo ka hadlay wajiga labaad ee wadahadalka Ukraine iyo Ruushka oo la filaayo inuu maanta oo Isniin ah ka billaamo Istanbul (Turkiga), ayaa sheegay in dhinacooda sharuuda koowaad ay tahay “Madax Banaanida Ukraine”.

Wuxuu sheegay hoggaamiyaha Ukraine in ay dhankooda diyaar u yihiin inay ka wadahadlaan in dalka Ukraine uu dhex dhexaad u ahaado NATO iyo Ruushka oo uusan dhinac ku biirin, waxay sidoo kale diyaar u yihiin in laga wadahadlo gobalada gooni u goosadka doonaya ee Donbas.

Dowlada Ruushka ayaa warbaahinta Ruushka uga digtay inay siidaayaan wareysigan.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this