Sign in to follow this  
Deeq A.

Xoghayaha Arrimaha Dibada Maraykanka oo la kulmay Madaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabaas

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Falastiin)-XoghayahaArrimaha Dibada ee Maraykanka Antony Blinken oo booqasho ku jooga Barriga Dhexe ayaa Axadii kulan la qaatay Madaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabaas.

Kulankan oo ah kii ugu horreeyey oo labada nin dhexmara ayaa kusoo beegmaya xilli Falastiiniyiinta ay si weyn u dhaliilayaan taageerada indho-lá’aanta ah ee Maraykanka u hayo Israa’iil.

Madaxweynaha Falastiin ayaa sheegay in falalka Israa’iil ay dhulkooda ka wado u dhiganto xasuuq iyo gumaad isir-sooc ah, ayaa ku eedeeyey Maraykanka in ayna waxna ka qaban maadaama Maraykanka uu yahay quwada ugu weyn oo ay ku tiirsan tahay Israa’iil.

Maraykanka ayaa sidoo kale weli furin safaaradii uu ku lahaa Bariga magaalada Qudus ee uu adeegi jirtay dadka ku hoos nool ismaamulka Falastiin.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this