Sign in to follow this  
Deeq A.

“Horta Doorashada Ururrada Kasoo Gudub Waxa Nasiib Darro Ah In…”  Axmed Muumin Seed Oo Jawaab Cadho Ka Muuqato Ugu Jawaabay Xisbiga WADDANI

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Xoghayaha xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Mudane Khadar Xuseen Cabdi ayaa eedo culus waxa uu u soo jeediyey Masuuliyiinta wakaaladda Biyaha Hargeysa isaga oo dhinaca kalena sheegay in haddii xisbigiisa WADDANI talada dalka ku guulaysto ay Wakaaladda Biyaha Hargeysa u samayn doonaan sharci cusub oo ay ku hoos gayn doonaan Dawladda Hoose ee Hargeysa, taasi oo keentay in uu u Jawaabo Wasiirkii hore ee Beeraha Somaliland Mudane Axmed Muumin Seed oo Khadar Xuseen Cabdi, Xoghayaha guud ee Xisbiga WADDANI ku eedeeyey in aanay wakhtigan u mudnayn in uu arrintaasi ka hadlo ee ay marka hore tahay in uu ka soo baxo tartanka ururrada siyaasadda.

Ugu Horrayn Xoghayaha Guud ee Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Khadar Xuseen Cabdi oo ka hadlayay xaaladda Wakaaladda Biyaha Hargeysa iyo waxa xisbigiisa uga qorshaysan haddii uu talada dalka qabto ayaa qoraal kooban oo uu boggiisa baraha Bulshada ku baahiyay waxa uu ku yidhi: “Waa ayaan darro in Hargeysa weli biyo la’dahay oo dadkeedu booyado iyo gaadhi dameer ka cabbaan. Waa hubaal in wakaaladda Biyaha Hargeysa ay fashilantahay; Maarayn xumo iyo curis la’aan maamul ayaa curyaamiyey. Dadka qaarna waxa ay u arkaanba Dukaan (Supermarket) qoys leeyahay. Nov 13-keeda 2022 marka uu WADDANI hoggaanka qabto, waxa uu wakaaladda ku dhiqi doonaa siyaasadda maamul daadejinta, waxa aanu hoosgeyn doonaa dawladda hoose ee caasimadda. Maanta muwaadin kastaa wuu sawiran karaa quruxda shaqada iyo waxtarka laga filan karo, wakaaladda Biyaha Hargeysa oo uu maayer Cabdikariim Axmed Mooge maamulayo. Sida caasimaddu maamulkii hore uga raysatay ayaa ay wakaaladduna uga nasan doontaa hoggaanka la hallaabay, In Sha Allaah”.

Hadalkaa haddaba Xoghaye Khadar Xuseen waxa isna boggiisa baraha xidhiidhka Bulshada ee Facebook waxa kaga soo jawaabay Wasiirkii hore ee wasaaradda Beeraha Somaliland Mudane Axmed Muumin Seed kaasi oo eedo u soo jeediyey Xoghayaha WADDANI waxaanu yidhi: “Hadalka Xoghayaha Xisbiga WADDANI ku leeyahay Wakaalada Biyaha ayaan hoos gaynayaa Dowlada hoose, marka uu hadalkaa leeyahay Wuxuu Caayayaa Caqliga bulshada reer Soomaaliland. Miyaanu ogayn in bulshadu ka aqoon badan tahay oo ka Caqli badan tahay. Waxaan ku leeyahay khadaroow, horta doorashada ururrada ka Soo gudub, ka dib doorashada madaxtooyada gal, haddii aad guulaysato markaas Waxaad tiraahdaa  Wakaalada biyaha  Waxaan hoos gaynayaa Dowlada Hoose, balse waxaa nasiib daro ah in aad Maanta garan Weydo meesha aad joogto” ayuu yidhi Wasiir hore Axmed Muumin Seed.

Eedaha loo jeedinayay Wakaaladda Biyaha Hargeysa ayaa muddooyinkan dambe mar kale soo laba kacleeyey iyada oo Baraha Bulshada lagu baahiyey qoraallo dadka qaarkii ku dalbanayaanin dawladdu Maamulka Wakaaladda Biyaha ku hoos gayso Dawladda Hoose ee Hargeysa si is baddal loogu sameeyo wax-qabadkeeda iyo adeegga ay bulshada u hayso.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this