Sign in to follow this  
Deeq A.

Kursi Golaha Shacabka ah oo Baladweyne Lagu Daaranayo,Yaa Ku Tartamaya?

Recommended Posts

Deeq A.   

Waxaa maanta lagu wadaa in magaalada Baladweyne ee xarunta Hiiraan lagu doorto kursi ka tirsan golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee Jamhuuriyadda federalka Soomaaliya, kaas oo tirsigiisu yahay HOP#058.

Kursigaan ayaa waxaa doorashadiisa lagu waday in ay qabsoonto maalinimadii shalay, waxaana ku yimid dib u dhac sida uu guddigu sheegay, waxaa ku tartamaya ilaa todobo musharrax, kuwaas oo u taagay ku guulaysiga.

Waxaa ku jira taliyihii hore ee hey’adda Nabad sugidda iyo  sirdoonka qaranka  ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe iyo madaxweynihii hore ee dowlad goboleedka  Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble,

1:Cabdullaahi Maxamed Axmed Sanbaloolshe agaasimihii hore ee hey’adda nabad sugidda iyo sirdoonka Soomaaliya ee NISA.

2: Yoonis Maxamed Nuur.

3: Madaxweynihii hore ee Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble

4: Ubax Cali Sheegow

5:Cabduqaadir Xuseen Colow

6:Maxamuud Afdhub Makaran

7: Cabdullaahi Axmed Xuseen.

Xildhibaan Nuur Iidow Beyle oo HOP#058 ku fadhiyey Baarlamaankii 10-aad ayaa sheegay inuu isaga haray tartanka loogu jiro kursigaan oo deegaan doorashadiisu ay tahay Baladweyne, sida uu ku shaaciyey Facebooka.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this