Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamo hubeysan oo la wareegay qaybo ka mid ah BELEDWEYNE + ujeedka

Recommended Posts

Deeq A.   

Beledweyne (Caasimada Online) – Xaaladda magaalada Beledweyne ayaa lagu soo warramayaa inay saaka kacsan tahay, kadib markii cidamo hubeysan ay la wareegeen qaybo ka mid ah magaaladaasi oo ah deegaan doorashada labaad ee HirShabelle.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada ay sidoo kale qabsadeen afaafka hore ee hoolka doorashada Golaha Shacabka oo ku yaal gudaha xerada Lamagalaay ee magaaladaasi.

Sida ay ogaatay Caasimada Online ciidamadan ayaa ka gadoodsan in dad gaar ah loo xiro kursiga tirsigiisu yahay Hop#059 ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya.

Saraakiisha hoggaamineysa ciidamadaas ayaa sheegay inay kasoo horjeedaan habka madaxda Hirshabeelle ay u maamulayaan kursiga HOP 059 oo lagu wado in doorashadiisa ay qabsoonto maalmaha soo socda.

Kursigan ayaa waxaa horey ugu fadhisay xildhibaan Samiira, iyada oo la sheegay in madaxweyne ku xigeenka HirShabelle Yuusuf Dabageed uu doonayo in si gaar ah loo xiro kursigaasi, taas oo ay ka biyo diidan yihiin ciidamada soo galay magaalada Beledweyne.

Xaaladda ayaa haatan aad u kacsan, waxaana lagu soo warramayaa inay bilowdeen dadaallo lagu doonayo in lagu qaboojiyo xiisadda kasoo cusboonaatay halkaasi.

Arrintan ayaa ku soo aadeyso iyada oo maanta lagu waday iney halkaasi ka dhacdo doorashada kursiga HOP 058 oo ay isku diiwaan geliyeen ilaa 7 Musharax oo midi dumar tahay, waxaana kursigaan uu ahaa mid doorashadiisa ay baaqaneysay labadii maalmood ee lasoo dhaafay.

Si kastaba, ma aha markii ugu horreysay oo ciidamo gadoodsan lagu arko Beledweyne oo ay ka socoto doorashada Baarlamaanka taas oo weli ay ka taagan yihiin caqabado xoogan.

The post Ciidamo hubeysan oo la wareegay qaybo ka mid ah BELEDWEYNE + ujeedka appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this